Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna musharax u taagan doorashada Madaxtooyada 8 Jan, 2014 Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa samaystay mareeg (Website) u gaar ah si uu u xoojiyo xiriirka uu la leeyahay bulshada.
“Waxaan samaystay mareeg ii gaar ah si aan u xoojiyo xiriirka aan la leeyahay bulshada ” Ayuu yiri Madaxweyne Faroole.
Waxqabadkii Xukuumada uu hormuudka u yahay ku talaabsatay mudadii ay xafiiska joogtay, Caqabadihii soo wajahay iyo Qorshayaasheeda waxqabad shanta sano ee soo socota hadii mar kale loo doorto xafiiska ayaa u muhiimsan xogaha lagu soo bandhigi doono Bogaan.
“Muhiimada aanu ka leenahay mareegtan ayaa ah sidii aanu ugu gudbin lahayn bulshada waxqabadkii aanu ku talaabsanay iyo Qorshayaasha aanu qaban doono mustaqbalka hadii mar kale xafiiska la ii doorto” Ayuu ku sii daray hadalkiisa Dr. Faroole.
Xukuumada Puntland ayaa dadaal ugu jirta sidii markale xafiiska loogu dooran lahaa si ay wakhti ku filan ugu hesho dhamaystirka mashaariicda socota, meel marinta kuwa qorshaysan iyo dhamaystirka geedi socodka nidaamka asxaabta badan oo horay shaqo badan looga qabtay.
Xubno dano siyaasadeed leh iyo musharaxiin ka rajo qaba inay ka qayb galaan doorashada Madaxtooyada ayaa caado ka dhigtay inay si guracan u fasiraan qorshayaasha iyo waxqabadka xukuumada kuwaas oo jaahwareer joogta ah ku haya bulshada.
Si aad u heshaan Wararka, Xogaha iyo Qorshayaasha la xiriira ololaha Madaxweyne Faroole si joogta ah u soo booqda barta ah :- ( http://www.abdirahmanfarole.com/ ).
Xafiiska Warfaafinta Gudiga Ololaha
Madaxweyne/ Musharax Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole)
E. faroole.election2014@gmail.com Facebook: Puntland President Office Website: www.abdirahmanfarole.com