Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku kalsoonaadaan madaxdooda, madaxweynaha oo ka hadlayay kalsooni kala noqoshada R/wasaare Saacid ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan kalsooni darro ku abuurin go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay kalsooni buuxda ku qabaan madaxdooda, wuxuna balan qaaday inuu soo magacaabi doono R/wasaare cusub oo wax badan ka bedeli kara xaaladda dalka.
Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay hore u sii socon doonto, wuxuuna tibaaxay in xukuumadii R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ay wax badan u qabatay dalka.
“wixii noo soo qabsoomay mudadii sanadka ahayd ee xukuumadani xilka haysay waxaa rajaynayaa in xukuumadda cusub ay qaban doonto wax kasii fiican, waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan madaxdooda” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Skeehk Maxamuud ayaa sheegay in kalsoonida shacabku ay dhiiri gelin u tahay madaxda dalka, wuxuuna ku tibaaxay inuu muddo yar ku soo magacaabi doono R/wasaare hanan kara kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho