Muqdisho(RBC Radio) Xafiiska R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa waxaa looga yeeray wariyayaasha, waxaana warbaahinta loo sheegay inuu R/wasaare Saacid halkaas ku qabanayo shir jaraa’id.
si rasmi ah looma oga waxyaabaha uu ka hadli doono R/wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarx Shiirdoon Saacid, waxaana iminka xafiiska R/wasaare Saacid ku sugan wariyayaasha ka shaqeeya warbaahinta.
R/wasaaraha Soomaaliya cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa la filayaa inuu shirkiisa jaraa’id kaga hadlo khilaafka u dhexeeya madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadda uu hogaamiyo R/wasaare Saacid.
Warbaahinta ayaa maalintii shalay ahayd looga yeeray xafiiska R/wasaaraha dowladda Sooaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid, waxaana markii madbe lagu wargeliyay wariyayaasha inuu baaqday shirkiii jaraa’id ee uu qaban lahaa R/wasaare Saacid.
wixiin warar kasoo khordha shirka Jaraa’id ee R/wasaare Saacid dib ayaan idin kala socodsiin doonaan
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho