Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa goor dhoweeyd xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay halka uu kasoo bilowday khilaafka ka dhexeeya isaga iyo maxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Go,aanka Baarlamaanka ee R/wasaare Saacid loogu diiday inay tago xarunta Golaha shacabka..
Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid R/wasaaha Soomaaliya ayaa tafaasiil ka bixiyay halka uu kasoo bilowday khilaafka kala dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay inay isku fahmi waayeen codsi uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u soo jeediyay isaga oo ku saabsanaa inuu xilka iska casilo.
R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa tibaaxay inuu ka diiday codsiga ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuuna tilmaamay inuu soo jeediyay in lagu kala baxo go’aanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale shirkiisa Jaraa’id ku sheegay R/wasaare Saacid inuu Beesha caalamka ka diiday inay dhexdhexaadiyaan labadooda, wuxuu sheegay inuu ku qanacsan yahay go’aanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Dhanka kale R/wasaare Saacid ayaa goobta uu shirka Jaraa’id ku qabanayay kasoo jeediyay khudbadii uu shalay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ugu tala galay inuu ka horjeedo, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka Xildhibaanada Baarlamaanku ay ku diideen inuu hor talo Xildhibaanada Baarlamaanka si uu isaga difaaco eedeeymaha ay u soo jeediyeen.
R/wasaare Saacid ayaa soo hadal qaaday waxqabadka xukuumadiisa mudadii ay jirtay, wuxuu tilmaamay in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay qabatay shaqo aad u balaaran, oo ay ka mid yihiin inay dib u soo celisay xiriirkii ay caalamka la lahayd Soomaaliya.
Wixii sidoo kale xusay in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay wax badan ka qabatay dhinacyada hormarinta dalka, soo celinta kuraastii ay Soomaaliya ku lahayd dalalka caalamka, sugidda ammaanka iyo xoraynta gobolada ay gacanta ku yaheen Alshabaab.
R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa ugu dambayntii sheegay inuu ku kalsoonyahay go’aanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu ku qanci doono inay go’aan ka gaaraan khilaafka isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho