Garoowe (RBC RADIO) Madaxweyne yaashii hore ee Puntland Generaal Cade Muuse Xirsi iyo AUN Cornel C/laahi Yuusuf Axmed ayaa si kala duwan uga hadlay gudiga Khilaafaadka ama soo xulista Baarlamaanka oo isku hal kalmad ah in uu soo magacaabayo Madaxweynaha iyo in ay soo magacaabitaankooda lug ku yeeshaan Musharaxiinta Puntland.
Generaal Cade Muuse Xirsi oo la hadlayay Idaacada Daljir wuxuu sheegay in Gudigaasi ay Musharaxiinta la ogaayeen oo ninba Gobol laga keenay uuna marqaati ka ahaa C/laahi yuusuf Axmed AUN Madaxweynihii hore ee Puntland iyo Soomaliya, sidaa darteedna ay Musharaxiinta hada jira ay xaq u leeyihiin in ay kaalin ka qaataan soo xulida Gudigaasi oo aysan Dowlada hada jirta ee Puntland is hortaag ku samayn, hoos ka dhagayso.
AUN) C/laahi Yuusuf axmed mar uu ka hadlayay Arimahan soo xulista Gudiga Khilaafaadka wuxuu qudbadiisii ku cadeeyey in Gudiga Khilaafaadka uu soo xulayo Madaxweynaha Musharaxiintana aysan xaq u lahayn in ay Madaxweynaha ku cadaadiyaan in Gudiga qaabka loo soo xulayo lala socod siiyo, isagoo sheegay ninkii raba in dalkan uu nabad noqdo uusan meel xun wax ka dayin wax walbana sharci iyo nimdaam loo maro mar uu marxuumku ka hadlayay Doorashadii hore ee Puntland ka dhacday,hoos ka dhagayso.
2hadal ayaa muujinaya in uu khilaaf jiro oo aysan is waafaq sanayn waxayna taasi muujinaysaa in Gudigii hore ee Xalinta Khilaafaadka uu soo xulay Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cade sida uu marxuum C/laahi yuusuf sheegay, hadalka cade ayaa dadka qaarkii u arkeen in uu noqon karo mid sii kala fogeeya isu soo dhawaanshaha Musharaxiinta hada jirta ee Xilka Madaxtinimo u taagan iyo Xukuumada Talada haysa ee Dr Faroole hogaaminayo walow uu mudane cade waraysigiisa ku sheegay hadii doorasho aysan dhicin 8da Jenuary ay Puntland burburi doonto.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.