Muqdisho(RBC Radio) Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday codsi maalintii labaad ka yimid R/wasaare Saacid, wuxuuna gudoonku sheegay in lagu dhaqmi doono go’aankii ay shalay gaareen Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kasoo hor jeestay codsi ka yimid R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, R/wasaaraha ayaa gudoonka Baarlamaanka ka codsaday inuu tago xarunta golaha shacabka si uu isaga difaaco eedeeymaha ay u soo jeediyeen xukuumadiisa qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka.
Maxamed Sheekh Csimaan Jawaari gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in lagu dhaqmi doono Go’aankii ay shalay gaareen Mudanayaasha Baarlamaanka ee codka loogu qaaday imaanshaha R/wasaare Saacid.
R/wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa hore uga codsaday Baarlamaanka Soomaaliya inuu tago xarunta Golaha shacabka si uu isaga difaaco eedeeymaha ay u soo jeediyeen qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho