Muqdisho(RBC Radio) kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa iminka ka furay xarunta Golaha shacabka, Xildhibaanada ayaa maanta la filayaa inay soo gabagabeeyaan ka doodista mooshinka kaga soo gudbiyay R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.
Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku kala aragtida duwan mooshinka laga soo gudbiyaya R/wasaare Saacid ayaa ayaa hadda ka hadlaya xarunta Baarlamaanka, wuxuuna Xildhibaankiiba hadlayaa 3 daqiiqo oo uu ku soo gudbinayo fakarka uu ka qabo mooshinka.
Ammaanka xarunta Golaha shacabka ayaa si aad ah loo adkaeeyey waxaana ciidamo lagu soo daadiyay qaar ka tirsan wadooyinka magaalada Muqdisho, ciidamada ayaa dadka iyo gaadiidka ka celinayo inay u gudbaan wadooyinka soo galaar xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Csimaan Jawaari ayaa shaaciyay Xildhibaanada soo xaadirtay kulanka Baarlamaanka, wuxuuna sheegay inay soo xaadireen 244 Mudane, waxaana laga yaabaa in Xildhibaanno kale ay waqtiyada soo socda soo gaaraan kulanka.
kala soco warbaahinta Raxanreeb wixii warar ah ee kasoo khordha kulanka Baarlamaanka
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho