Muqdisho(RBC Radio) Waxaa si toos ah uga furmay xarunta golaha shacabka kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta loo madalsanaa in maalintii labaad looga doodo mooshinka laga keenay R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iminka waxaa dhexmaraya dood kulul oo ku saabsan mooshinka laga keenay R/wasaaraha dalka, Xildhibaanada taageersan mooshinka laga keenay R/wasaare Saacid ayaa ku eedeeynaya xukuumadiisa inay ka gaabisay sugidda ammanka iyo xakamaynta musuq maasuqa dalka ka jira, Xildhibaanada kale ayaa iyana sheegaya in uu sharci darro yahay mooshinka laga keenay R/wasaare Saacid.
Warara qaar ayaa sheegaya in R/wasaaraea xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid u gudoonka Baarlamaanka ka codsaday inuu yimaado gudaha xarunta golaha shacabka si uu uga jawaabo eedeeymaha ay Xildhibaanadu u soo jeedinayaan.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan inuu R/wasaare Saacid gudaha u soo galo xarunta golaha shacabka, Xildhibaanada kasoo horjeeda xukuumadda ayaa sharci darro ku tilmaamaya imaanshaha R/wasaare saacid, halka ku taageersan xukuumadda ay iyana sheegayaa inuu xaq u leeyahay R/wasaare Saacid inuu yimaado xarunta golaha shacabka si uu uga jawaabo eedeeymaha loo soo jeediyay.
Waxaa iminka xarunta golaha shacabka ku sugan howl wadeenada xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid, waxayna ka mid yihiin dad dhegeeysanaya dooda dhexmaraysa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Wixii warar kasoo kordha kulanka Baarlamaanka dib ayaad kala socon doontaan Insha-Allaah
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho