Nairobi[RBC Radio]War qoraal ah oo ay soo saaren tiro ka mid ah hay’adda caalamka u qaabilsan arrimaha gar-gaar ayaa sid cadd waxaa loogu sheegay in wali xal an loo heli dadkii ka samato-baxay duufaantii ku dhufatay dhulbadan oo ku yaalla Puntland,waxana hay’addahaasi qoraalkooda ay ku dalbadeen in si dhaqso ah wax loola soo gaaro dad kor u dhaafaya 100,000-ruux oo la sheegay xaaladdoda inay liidato.
Warkaan waxaa uu ka soo baxay hay’addo tiradoodu ay kor u dhaafayso illaa 12-hay’addoda oo ah kuwa arrimaha bini’aadanimada ka shaqeeya oo ay qeyb ka ahaayeen OXFAM, CARE, Save the Children, Refugees International iyo World Vision,waxana ay sheegen indha indheen ay ku sameeyen lonalasha qooysas gaaraya illaa 100,000,inay tahay xaaladda ay ku sugan yihiin mid ubaahan in wax laga qabto.
War-saxaafadeedka ka soo baxay hay’addahan sidoo kale waxaa lusoo soo hadal qaaday in dadka intooda badan ay ka ceyrooben xoolihii ay dhaqan-jireen oo ku baa ba’ay roobabkii iyo duufanadi iswatay.
Sidoo kale qoraalka waxaa lugu xusey qeymeen ay sameeyen hay’addaha Qaramada Midoobay,tasao ku aadan tirada dadkii ku dhaf-waayey duufanta,waxana ay sheegen in dadka dhintay ay gaarayan illaa 80-ruux,balse mid ka duwan dhimashada ay sheegen Qaramada Midoobay waxaa goor hore soo saaray dowladda Puntland ee Soomaaliyeed,waxana ay sheegen in dadka dhintay ay kor udhaafayan illa 300 oo ruux.
Waxaa ay soo hadal qaaden hay’addihii warbixitaan soo saray inay haysato dadkii ka samatabaxay roobabkii da’ay,cuna yari biyo la’aan,taaso ay u dheertay inaysan jirin hoy ay ku hoydaan.
Dhinaca kale waxaa ay arrintan imaanaysa xilli hay’adaha gargaarka, Qaramada Midoobay iyo dowladda Puntland ay raashin iyo cunto gaarsiiyay dadka ay waxyeelladu gaartay, balse hay’adaha sida wada-jirka ah baaqa u soo saaray ayaa sheegay in dad gaaraya 100,000 oo qof ay si deg-deg ah ugu baahan yihiin in lala soo gaaro cunto, raashin iyo hooy.
Waxaa sid xoogan wali usoconaya dadaalada lugu doonayo in dibu dajin loogu sameeyey boqollal qoys oo iyagu ubaahan inay helan dibu dajin,waxana dadaal dheer sameyey xiligaan dowladda Puntland iyo shacabkeeda si ay u samatabaxaan qeyb ka mid ah bulshadooda oo dhibaataysan.
______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio