Baydhabo[RBC Radio]Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,ayaa soo sheegay in maantay ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan uu isku soo dhibay sargal sare oo la sheegay inuu ka mid ahaa saraakisha dhanka sir-doonka u qaabilsan ururka Al Shabaab ee la dagaallama dowladda faderaalka.
Sargaalka ciidamada gacantooda soo galay waxaa la sheegay inuu walaal layahay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur),oo ka mid ah saraakisha ugu sareysa Ururka Al Shabaab,waxana lugu magacaaba sida saraakil lahadashey Raxanreeb ay sheegen Aadan Haar Geel,waxana la sheegay in uu ka tirsanan jiray ciidamada amniga ee dowladda KMG ahayd ee uu hoggaaminayo Allaha u raxmade madaxweyne C/laahi Yuusuf.
Waxaa la sheegay sargaalkan xilligii uu Baydhabo soo gaaray inuu ka yimid dhinaca Degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo uu in muddo ah ku sugnaa,wxaana isi soo dhibashadiisa soo dhaweyey saraakil sar sare oo ciidamada ka tirsan,waxana xubnihii sargaalkan soo goostay ka hortagey oo soo dhaweeyey ka mid ahaa taliye ku xigeenka saldhiga booliiska Baydhabo.
Xilligaan waxaa uu sargaalkan ka yimdi dhinaca Al Shabaab uu kusygan yahay xarunta taliska qaybta booliiska ee gobalka Baay,waxana la sheegaya in wali ay socdaan wareysiyo lala yeelanayo sargaalkan,sidoo kale su’aallo dhor ah ayaa la sheegay inay ninkaan weydinayaan saraakiisha nabad-sugidda magaalada Baydhabo.
Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay Ururka Islaamiga ah ee Al Shabaab,war kaaso ku aadan sargaalkan la sheegay inuu ka tirsan yahay sir-doonkooda.
_______
RBC Radio
Xafiiska Baydhabo