Muqdisho[RBC Radio]War ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa markii ugu horreysey waxaa looga hadlay dagaallo iyo xiisado colaaded oo ka jira deegaanno ka tirsan gobolka Sool,gaar ahaana kuwa hoos taga degmada Taleex.
Qoraalka ka soo baxay R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shidoon (Saacid),ayaa marka hore waxaa tacsi looga diray dadkii dagaalkii maalmo ka hgor dhacay ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.
…”"”Waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay Taleex: Intii dhimatay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawacaana ha u booga dhayo,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu oo ku baaqay in miyir, daganaansho, iyo walaaltinimo lagu xaliyo xaaladda taagan iminka…”"”ayaa lugu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Saacid.
Sidoo kale warka ka soo baxay xafiiska Cabdi Faarax Shirdoon,waxaa lugu soo qaaday inay muhiim tahay in laga waantoobo in xalka lagu raadiyo dagaal.
Ugu danbeentina waxaa lugu yiri qoraalkaXukuumadda Federaaliga Soomaaliya waxay markale ku baaqaysaa in si walaaltinimo ku jirto loo xaliyo xaaladda ka taagan deegaanka Taleex. Waxayna dhanka kale ka digaysaa dhibaatada uu shacbiga iyo deegaanka u gaysan karo dagaal ka sii socda gobolka Sool.
______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio