Muqdisho(RBC Radio) Kulan balaaran oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kulanka ayaa looga hadlayay waxa ka qabsoomay mashruuca dib u dhiska degmooyinka gobolka Banaadir ee (Dan-guud).
Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in kulanka maanta lagu qabanayo magaalada Muqdisho ay ka kow tahay horumarka ay ku talaabsatay magaalada Muqdisho, wuxuuna ka dhawaajiyay in kulankan markii hore lagu qaban jiray dalka dibadiisa.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa tilmaamay inay muhiimadda kulanka ahayd sidii ay gugoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir uga wada arinsan lahaayeen waxyaahaba ka qabsoomay dib u dhiska degmooyinka gobolka Banaadir.
Mashruuca Dan-guud ayaa waxaa maalgelinayo Hay’adda hormarinta caalamiga ah ee dalka Maraykanka ee USAID, waxaana mashruucaas loo qaybiyay degmooyinka gobolka Banaadir si wax looga bedelo belecda magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa socon doona muddo sadex maalmood ah, waxaa lagu eegi doonaa waxyaabaha u qabsoomay maamulka gobolka Banaadir mudadii uu socday mashruunaas.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho