Boosaaso(RBC Radio) Musharax Shire Xaaji Faarax oo maalmo ka hor soo gaaray magaaladda Boosaaso ayaa maanta kulan qado ah la qaatay qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshadda Boosaaso.
Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahan,Issomo,ganacsato,haween iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay Hotel Jubba ee magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Musharax Shire Xaaji Faarax oo khudbad ka jeediyey kulanka ayaa kaga hadlay qorshihiisa Waxqabad marba haddii uu ku guuleysto Doorashada Madaxtinimo ee Puntland.
Dr Shire Xaaji Warsame ayaa sheegay in wax badan ka qaban doono dhanka arrimaha bulshada sida Caafimaadka,Waxbarasha iyo wixii lamid ah si gaar ah wuxuu u sheegay in waxbarshada uu ka dhigi doono mid lacag la’aan ah .
Sidoo kale,wuxuu ballanqaaday in uu wax ka qaban doono dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland isagoona sheegay in uu sameyn doono haddii xilkaas uu ku guuleysto Canshuur dhimis ballaaran.
Dhanka Ciidamada Puntland iyo ilaalinta ammaanka ayuu sheegay in uu wax badan ka qaban doono ,isagoona intaas ku daray in Jiritaanka iyo amniga Puntland uu yahay mid muqadas ah .
Gabagabadii qaar kamid ah Waxgaradkii kulanka kasoo qeybgalay ayaa usoo Jeediyey Musgarax Shire Xaaji Warsame in uu wax ka qabato horumarka isla markaana usoo Jeediyey tallooyin wax ku ool ah.
Si kastaba Musharax Dr Shire Xaaji Faarax ayaa noqonaya Musharxii labaad oo la kulama qeybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso,waxayna si qoto dheer uga wada hadleen sidii lagu horumarin lahaa Puntland.
____________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com