Boosaaso(RBC Radio) Musharaxa u taagan Jagada Madaxtinimada dowladda Puntland Jen.Cabdullaahi Siciid Samatar ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladda Boosaaso.
Boqolaal dadweyne oo isugu jira siyaasiyiin,haween,dhalinyaro ,Issimo iyo waxgarad ayaa kaga hortagay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Boosaaso halkaas oo u Musharax Jen Cabdullaahi Siciid kasoo dagayey.
Musharax Jen Cabdullaahi Siciid Samatar oo shir Jaraa’id ku qabtay hoygiisa Boosaaso ayaa sheegay in Puntland mareyso marxalad adag isla markaana loo baahanyahay in la iska kaashado.
Wuxuu sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in doorashada oo muddo yar ka harsantahay uu maamulka Puntland dagaal ku qaado degmada Taleex ee gobolka Sool taasina ay tahay mid sumcad xumo u keentay Puntland.
Jen. Cabdullaahi Siciid Samatar oo ka hadlay fikad ahaan wuxuu ka aaminsanyahay dhismaha Maamulka Khaatumo,wuxuuna sheegay in maamulkaasi uu yahay mid aysan wax dhibaato uga muuqan ayna yihiin dad u madax bannaan masiirkooda.
Musharax Jen. Cabdullaahi Siciid Samatar ayaa ka dhawaajiyey ineysan diyaar u ahayn Xukuumadda hadda jirta doorasho ka dhacda Puntland,isagoona sii daba dhigay hadalkiisa inaan doorashoba lagu aamini karin iney qabato.
Jeneraalka oo shirkiisa Jaraa’id uga hadlay arrimo badan oo ku saabsan Puntland ayaa sheegay in Isbadelka ay doonayaan uu yahay mid ku dhisan rabitaanka Shacabka Puntland,sidoo kalena wuxuu intaas ku daray in shacabku ka aaminsanyihiin in uu yahay shakhsi jecel in mar kasta uu dagaal dhaco.
Xiriirka dowladda federaalka iyo Puntland ayuu sheegay in uu wax badan ka qaban doono marba hadii uu ku guuleysto Xilka Madaxtinimo ee Puntland ,isagoona xusay in Shacabka Puntland ay dani ugu jirto in dib loo soo celiyo kaamadii iyo sharaftii ay Soomaaliya lahayd.
Musharax Jen Cabdullaahi Siciid ayaa sheegay inuusan kalsooni ku qabin Xildhibaanada kasoo galaya Baarlamaanka Puntland ee kasoo Jeeda gobolka Sool xili dadka deegaankaas sheeganayaan iney yihiin Maamul ka madax banaan Puntland oo la yiraahdo Khaatumo State.
____________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com