Garoowe (RBC RADIO) Musharax Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah Siyaasiyinta u taagan in ay ku guuleystaan Xilka Madaxtinimo ee Puntland wuxuu Maanta soo gaaray Magaalada Garoowe Duleedka Magaalada ayeeyna uga hortageen taageerayaashiisa si ay ugu soo dhaweeyaan Caasimada Puntland, intuusan u Gudbin Hoyga Garoowe looga Diyaariyayse wuxuu Musharaxu la hadlay Saxaafada wuxuuna sheegay in uu soo dhaweyntii loo sameeyey ku faraxsan yahay Dadka Caasimada ku noolna ay jecelyihiin kuna qanacsan yihiin sida uu yiri.
“Maantay oo Taariikhdu tahay 30/ Bisha November ee Sanadkan sii dhamaanaya waxaan joogaa Garoowe waana Caasimadeydii waana ku faraxsanahay in sidaan leygu soo dhaweeyo waxaan dareemay in Garoowe leyga Jecel yahay oo ay Caasimadeydii tahay waxaan ogaaday in dad I tageera ay Magalada Joogaan Magaaladu waa nabadgelyo waana Caasimadi Dowlada Puntland, Soo dhaweynteyda looma kala harin Heer Degmo heer Gobol Taliska Ciidanka ee Gobolka kuwa Darwiishta iyo heer Arday waana ku farax sanahay ayuu yiri Cali Xaaji.
Musharax Cali Xaaji oo wajigiisu ay ka muuqatay in uu la kulmay soo dhawayn uusan filayn ayaa loo galbiyay xaruntiisa horayna Musharaxu isagoo ka hadlaya Idaacadaha Gudaha wuxuu sheegay in aan Amniga Caasimada Leysku halayn Karin sidaa darteedna loo baahan yahay in arimahaasi wax badan laga fiirsado, Musharaxu wuxuu kal hore shaki ka muujiyay Amniga Caasimada wuxuuna ahaa Musharaxii ugu cad cadaa ee sida kulul uga hadlayay arimaha Amniga iyo sida ugu haboon ee Doorasho nabad ah ay Puntland uga dhici karto Maantana wuxuu Cadeeyey in Garoowe ay nabadgelyo tahay lagana jecel yahay hadaladaasi oo noqon kara kuwo is diidan.
Mudane Cali Xaaji Warsame oo aan siyaasada Dalka ku balaarnayn wuxuu ka mid yahay Musharaxaiinta la hadal hayo ee ay macquulka tahay in ay la baratamaan Madaxweynaha talada iminka haya ee Dr Faroole Imaanshihiisa kadibna waxaa macquul ah in uu faa faahin ka bixiyo wax qabadkiisa ku aadan haduu ku guuleysto Doorashooyinka soo socda ee hogaanka Puntland.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.