Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

DEG DEG:R/wasaare Saacid oo loo diidey inuu guddaha ugalo xarunta golaha shacabka oo ay Baarlamaanka Soomaaliya kusuganyihiin

$
0
0
R/wasaare Saacid

R/wasaare Saacid

Muqdisho[RBC Radio]War goor dhawed ay heshey Raxanreeb.com ayaa xaqiijiyey in loodidey R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid inuu guddaha ugalo xarunta golaha shacabka oo ay kulan ku lahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan C/ladiif Muuse Nuur(Sanyare) oo xilligaan ku sugan guddaha halka ay ku shireen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay goor dhow Raxanreeb.com ayaa si cadd u xaqiijiyey in loo diidey inuu guddaha ugalo R/wasaaraha Soomaaliya mudane Saacid halka ay shirka ku lahaayeen Baarlamaanka oo maantay lugu waday inay ka doodan mooshin laga keenay R/wasaare Saacid.

Xildhibaan Sanyare sidoo kale waxaa uu sheegay in maanta lagu ballansanaa in laga doodo moowshinka laga soo gudbiyey R/wasaaraha,balse aysan taas dhicin sida uu sheegay oo ay dhacday wax isdabamarin weyn,waxana uu inta ku daray in Ra’iisal wasaaraha inuu guddaha ugalo xarunta inuu is hor istaagay guddoonka Baarlamaanka.

…”"”‘Maantay ma dhicin wixii la doonayey inay Baarlamaanka ka hadlay,waxaa dhacdey wax isdabamarin weyn,waxana guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu diidey maantay si cadd oo loo jeeday in gudaha ee xarunta golaha shacabka uu usoo galo R/wasaare Saacid,waxana xilligaan muuqata in guddoonka Baarlamaanka uu waddo eexiyo iyo nin jecleysi ,waxana loo bahan yahay in arrintaa laga dheerado…”"“ayuu yiri xildhibaan C/ladiif Muuse Nuur(Sanyare).

Kulankii Baarlamaanka oo isna goor dhawed soo gaba gaboobey

Kulankii Baarlamaanka oo isna goor dhawed soo gaba gaboobey

Waxaa uu eed dusha usaaray xildhibaanku hoggaanka Baarlamaanka waxana uu sheegay inaysan sidii loo bahna uga dhex shaqeeyn is-fahan waaga sii xoogeystay ee dhex yaalla R/wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweyne Xassan,waxana uu baaq dheer uu ku diray in arrinta loo taghayo oo laga dhowrsanaado xaaladda xilligaan ka jirta siyaasada sare ee dalka.

Hadalka xildhibaanka waxaa uu ku soo aadaya xilli toddobaadkii hore ay soo gudbiyeen ilaa 168-xildhibaan mooshin la hor geeyey Baarlamaanka si loga doodo, waxaana mooshinkaas xildhinaabada ay soo gudbiyeen Baarlamaanka horgeeyey gudoonka iyadoo ay jiraan xildhibaano sheegay in lagu been abuurtay magacyadooda kuwaasoo kujira liiska xildhibaanada mowshinka soo gudbiyey.

____

Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles