Muqdisho(RBC Radio) Alshabaab ayaa soo bandhigay saanad militeri iyo agad kale oo ay sheegeen inay ka furteen ciidamada dowladda Jabuuti ee ka mid ah howlgalka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, gudoomiyaha ururka Alshabaab ay u magacaabeen gobolka Hiiraan Maxamed Mire ayaa sheegay in saanadaas militeri ay cidamada Jabuuti uga furteen dagaal dhowaan ka dhacay gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan u qaabilsan Alshabaab Maxamed Mire ayaa meel fagaaro ah oo ku taallo degmada Buulo Berde ku soo bandhigay Hub, Daawooyin iyo raashin uu sheegay inay dagaal uga furteen ciidamada dowladda Jabuuti ee dhoiwaan kasoo baxay magaalada Beledweyne sida uu hadalka u dhigay.
Maxamed Mire ayaa tibaaxay in ciidamadii ka socda dowladda Jabuuti ee dhowaan kasoo baxay magaalada Beledweyne ee xaruta gobolka Hiiraan ay ku qasbeen inay dib ugu laabtaan xarumihii ay markii hore kasoo duulaan tageen sida uu war u yiri.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa dhowaan kasoo baxay magaalada Beledweyne waxayna sheegeen inay Alshabaab ka saarayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan, ciidamadaas ayaa waxaa jidka u galay kooxo ka tirsan Alshabaab, waxayna dib ugu laabteen magaalada Beledweyne.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho