Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa saakay kulan saacado badan qaatay xafiiskiisa kula yeeshay ururada Bulshada Rayidka ah, iyo dhalinyarro Soomaaliyeed oo wax ku soo bartay dalka dibadiisa wuxuuna R/wasaare Saacid u soo bandhigay waxqabadka xukuumadiisa mudadii ay xilka haysay.
Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay howl badan qabatay mudadii ay shaqaynaysay, wuxuuna ka dhawaajiyay in waxqabadka xukuumadda ay ka muuqato dhamaan Hay’adaha dowladda Soomaaliya.
R/wasaaraha dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamay inay dib u soo celsheen xiriirkii ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo caalaka, wuxuuna xusay in hadda xukuumadda Soomaaliya xiriir aad u wanaagsan la leedahay dowladaha caalamka iyo kuwa dariska.
Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid R/wasaaraha dalka ayaa tibaaxay in xukuumadiiu ay wax wey ka bedeshay awoodii ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayna heshiisyo dib loogu dhisayo tayada ciidamada xoogga dalka la galeen dowladaha caalmka qaarkood.
Dhanka kale R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegay in xukuumadiisu ay muhiimad gaar ah siinayso dhalinyarada Soomaaliya, wuxuuna ka dhawaajiyay inay ku dadaali doonaan sidii ay shaqooyin ugu abuuri lahaayeen dhalinyaradaas.
R/wasaaraha ayaa shegay in dhalinta Soomaaliyeed ay qayb ka yihiin dhibaatada dalka ka jirta, wuxuuna tilmaamay inay jiraan dhalinyarro laga xaday caqli oo ay adeegsadaan Alshabaab, wuxuna balan qaaday in xukuumadiisu ku dadaali doonto sidii ay uga soo bixin lahayd dhalinyaraad fakarka qaldan ee ay Alshabaab ku beereen.
Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegay in wadan kasta uu leeyahay dhalinyarro soo hana qaadaya oo isbedel weyn ku abuura dalkooda, wuxuuna kula dardaarmay dhalinyaradii uu la kulmay inay yihiin hogaamiyayaashii barri oo ay dalkooda iyo dadkooda ku dadaalaan sidii ay dhibaatada uga saari lahaayeen.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho