Muqdisho(RBC Radio) Waxaa si rasmi ah iminka uga furmay xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho kulankii Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee looga hadlayay mooshinka laga soo gudbiyay xukuumadda uu hogaamiyo R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.
Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay dood kulul ka yeeshaan mooshinka laga soo gudbiyay R/wasaaraha xkuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid, waxaa xarunta Golaha shacabka ku sugan Xildhibaanada mooshinka kasoo gudbiyay R/wasaare Saacid iyo Mudanayaasha kasoo hor jeeda mooshinkaas.
Waxaa daqiiqado ka hor la dhaariyay xogaynta Baarlamaanka Soomaaliya oo lagula dardaarmay inay si daacad ah u gotaan waajibaadka loo igmaday, gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya MUdane Maxamed Sheekh Cisaan Jawaare ayaa kula dardaarmay howlwadeenada Baarlamaanka Soomaaliya inay codadka u tiriyaan si daacad ah.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaare ayaa khudbad dheer u jeediyay kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya xiligan uga socda magaalada Muqdisho, wuxuna kala hadlay arimo ay ka mid ayaaheen mooshika laga keenay R/wasaare Saacid, gudoomiyaha ayaa Xildhibaanada ka codsaday inay ilaaliyaan nadaamka Baarlamaanka Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa iminka la tirinayaa Xildhibaanadii mooshinka kasoo gudbiyay R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.
Wixii warar ah ee kasoo kordha kulanka Baarlamaanka Soomaaliya dib ayaan idin kala socodsiin doonaa
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho