Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow la soo gabagabeeyay kulankii mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ay maanta ka lahaayeen mooshinka laga keenay xukuumadda federaalka ah iyo raysal wasaare Saacid Shirdoon.
Kulanka maanta oo uu guddoominayey afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa soo xaadiray in ka badan 250 mudane iyadoo guddoomiyuhu sheegay in ajendaha maanta uu yahay qeybinta mooshinka iyo waqti u qabashada cod u qaadista xukuumadda.
Xildhibaanada baarlamaanka oo ka hadlay kulanka ayaa mid kastala siiyey saddex daqiiqo si uu uga hadlo aragtidiisa mooshinka, waxaana gabagabadii doodaasi oo qaadatay labo saacadood ayna ka hadleen illaa 85 mudane ka dib shir guddoonka uu ku dhawaaqay in maalinta berito oo ah Axad la guda geli doono cod u qaadista xukuumadda raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.
Afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa markale kula dardaarmay in xildhibaanada ay u dhaqmaan si wadanimo leh oo ay ku jirto deganaan qpof kastana uu aragtidiisa u muujiyo si waafaqsan sharciga baarlamaanka.
Jawaari ayaa xildhibaanada u sheegay in berito kulanka baarlamaanka uu noqon doono cod qaadis kaliya si loo kala saaro xildhibaanada mooshinka keenay iyo kuwa diiday, iyadoo haddii 139 cod uu helo raysul wasaaraha iyo xukuumadiisa ay sii joogi doonaan hadiise ay waayaan waxay u badan tahay inay booska baneeyaan.
RBC Radio