Jowhar(RBC Radio) Deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa ku sii faafaya fatahaadaha uu samaynayo wabiga Shabeelle, dadka ku dhaqan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa cabsi xoogan ka muujinayay biyaha kasoo fatahaya wabiga Shabeelle ee ku sii faafaya goobaha horka leh.
Dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa soo food saaray mushkiladu ay kala kulmayaan dagaal beeleedyada ka socda gobolkaas iyo iyo fatahaadaha uu gaysanayo wabiga Shabeelle, Maxamed Xaashi oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa sheegay in xalay wabiga Shabeelle uu ku fatahay deegaanno cusub oo uusan hore u gaarin.
Maxamed Xaashi oo sii wata hadalkiisa ayaa tilmaamay in deegaanno dhanka bari kaxiga magaalada Jowhar uu xalay ku fatahay wabiga Shabeelle, wuxuuna sheegay in barakac aad u baaxad weyn uu ka bilowday deegaanada horka leh ee uu gaaray fatahaadaha uu samaynayo wabiga Shabeelle.
Wuxuu sheegay in shacabkii degenaa goobaha cusub ee uu ku fatahay wabiga Shabeelle ay naftooda kala baxsadeen, wuxuuna ka dhawaajiyay in xaalad agad oo Bini’aadanimo ay ka jirto deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe.
Shacabka kasoo barakacay deegaanadii ay ka degenaayeen gobolka Shabeelaha dhexe ayaa hore marar badan qaylo dhaan ugu diray Hay’adaha gargaarka iyo dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna ka codsadeen in lala soo gaaro gurnad deg deg ah.
Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha gargaar ayaan wali wax muqda u qabanin shacabka waxyeeladu kasoo gaartay dagaalada iyo fatahaadaha ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho