Nacweyne Vs Hurdoweyne
Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com
Nofeembar 30 2013
Ilaahow adaa qaadir ah. Adaaney waxba kaa dahsooneyn. Wixii khayr nuugu jiro, na waafaji.
Iyadoo barrito laga doodayo Mooshinka Codka Kalsoonida loogu qaadayo R/W Hurdoweyne, ayaa waxyaabaha dadka qaarkii ku doodayaan waxaa ka mid ah:
Waa nin Daacad ah oo hantida iyo dhaqaalaha Dalku ka nabadgalay.
Waa nin akhlaaq badan
Waa nin dulqaad badan Iwm
Intaasuba waa sifooyin ka mid ah kuwa wanaagsan ee aadamaha.
Maxayse kuugu taalaa sifooyinkani kuma jiraan waxyaabaha barrito lagula xisaabtami doono.
Mana aha kuwo ka badbaadin kara in kalsoonidii Golaha Shacabku kala noqdaan
Hurdoweyne Saacid, haduu ciduun daacad u ahaa, waa Mudane Nacweyne Xasan iyo magaciisa loogu yeedho ee ah Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Magacaasaa ku fillaaday. Wuxuu ku doorsaday gabi ahaanba awoodiisii Dastuuriga ahayd.
Maalintii magacaasu halis galay ee uu maqlay kalmadda ” Is Casil ” ayuu baraarugey, shaqadiisiina dar-dar cusub galiyey.
Maalintaasuu bilaabay inuu isku dayo in uu dib ula soo noqdo, Xilkii, Waajibaadkii iyo Mas’uuliyaddii shacabka Soomaaliyeed uu ugu dhaartay in uu u xijinayo ee uu horey u dayacay waase goorma? Waa goorey xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.
Waxaa la yidhi: Ninkaad kabo ka tolaneyso, kabihiisaa la eegaa.
Ninka garab maray Waajibka, Mas’uuliyadda & Awoodda uu Dastuurku siinayo ee xafiiskiisu leeyahay, kana seexday, miyaa laga sugayaa in uu saxo amaba dabagal ku sameeyo, wixii ay khaldaan kawa ka midka ah golihiisa wasiiradu ama xubnaha kale ee Dowladiisa ah.
Miyaa laga sugayaa inuu daraasad ku sameeyo iyo jaangown, Miisaaniyada Dalka, Barnaamijyo hurumarineed, kuwo dhaqaaleh, shaqo abuur iyo kaabayaasha waxyaabaha aasaasiga ah iyo dib u dhiska dalku u baahanyahay oo uu u madaxbannaanyahay.
Hurdoweyne, isagaa ka mas’uul ah wax kasta oo wax u dhimaya danta Dadka iyo Dalka oo ay ku kaceen ama faleen kuwa ku dukaameystey xilalka uu u magacaabey oy qaarkood ugu adeegteen danahooda gaarka ah iyo kobcinta xubno kale oo qaraabadooda ah.
Iyo kuwo kale oo ugu adeegtay xilalkaa qaran siyaabo ka sii fool xun oy ka mid tahay, takrifalka awoodii Ciidanka qaranka oo loo adeegsaday ku xasuuqidda iyo barakicinta beelo soomaaliyeed iyo bililiqada hantidoodaba.
Hurdoweyne, inuu bukaanka dhaxtarada jiifa soo booqdo, ama Dakadda Xamar kormeer ku soo maro, sida dadka qaarkii shaashadaha la iska arko kaga doodayaan, kumuu dhaaran, ee wuxuu dhaar ku maray ee laga sugayey, Soomaali wey ka wada dharagsantahay.
Wuxuu ku dhaartey in uu danta Dadka iyo Dalka ugu adeegayo sida ugu habboon oo daacadnimo ah. In uu dhowrayo uguna shaqaynayo qodobada Dastuurka Dalka iyo sida uu farayo dhamaantood. Dastuurkuna kii gabay een ku dhaqmin wuu ogyahay. Meel buuna ku sugayaa wuuna ka aargudanayaa markuu helo.
Nacweyne & Dam-Jadiid, waxeynu aragnaa in ay mar horeba dhaawacyo waaweyn gacmahooda ku gaadhsiiyeen hammigoodii ahaa in ay la wareegaan hannaanka Dowladnimo ee Dalku leeyahay. Khibrad-yaridooda dowladnimo, kaligood-taliyanimaduuda iyo ka cararkooda Soomaalida inta wax garadka ah, ee aqoonta iyo waayo aragnimada leh ayaa waxay dhaxalsiisey in ay ku fashilmaan, shakina la galiyo magacoodii koox ahaan iyo rajadii Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamku ka qabtey in ay dalka Nabadgalyo, Hurumar iyo Kaladanbeyn ku soo dabbaalaan.
Waxyaabaha Fashiliyey ee gubi doona mustaqbalkoodii sayasadeed inta ka hadhayna waxaa ka mid ah oo laga xusi karaa:
Siyaasadooda isgowracnimo, ee ay ku maareeyeen:
1. Gobolka Shabeelada Hoose, oy wali dagaalo iyo xasuuq sokeeye ka wadaan.
2. Gobolka Shabeelada Dhexe, oy wali dagaalo iyo xasuuq sokeeye ka wadaan.
3. Jubbaland oo ay wali dibindaabyo hoose & carqaladayn ku hayaan.
4. Puntland, oy xasilooni darro iyo hurinta dagaalo sokeeye ka wadaan.
5. Somaliland, oy xasilooni darro iyo carqaladeyn wada hadaladii u dhexeeyey ka wadaan.
6. Fadeexaddii Bangiga dhexe, oo ay ku hungoobeen in ay awoodii sare ee Bangiga u adeegsadaan ku bililiqaysiga hantidii dhaqaale ee Dalku lahaa iyadoo ay arintaasi meesha ka saartey damacoodii iyo rajadey ka qabeen in deeq bixiyayaashu toos gacanta ugu soo galiyaan, Dhaqaalaha loogu talo galay in wax lagaga qabto, dib u dhiska iyo hurumarka dhan kastaba ee Dalka guud ahaan.
7. Camalkooda xun ee Kaash ma haysaan oy can aduunyada kaga noqdeen.
8. Fadeexadda ay hadda lugaha kula jiraan ee ay u kireysanayaan Ma dhibaanada (Xil Ma Dhibaanada) Baarlamaanka si ay meesha uga toosiyaan dabadeedna xilka uga qaadaan Hurdoweyne R/W Saacid.
(Magacan Ma Dhibaanada horaan uga afeeftay, in afsoomaaligu waa margiye, aan meel kale lola baydhin.
Waxaan u badheedhay in aan magacan ugu hiiliyo kuwo inaga mid ah oo laga inkaar galabsado laguna faquuqo. Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyed ee aragtida dheeri ay magacan isaga ah ila hir galiyaan. Haday taasi dhacdo, la arki doonee kuwa xubnaha ka ah baarlamaanka oo la leeyahey:
Hebal waa Ma dhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Ama Hebel & Hebel waa xubno ka mid ah Ma dhibaanada Baaarlamaanka. Waxaan aaminey in ay dadkaa Soomaaliyeed ee walaaladeen ah, u noqoneyso Hiil weyn hadaan magaca ka simo iyaga iyo Xubnahan golaha shacabka ee Dalku leeyahay.)
Si kale hadaynu u dhigno: Xil Ma Dhibaan = Ma Dhibaan
Xil Dhibaan
Waxaa la yidhi: Geeloow geed walba daaqdaye, markaad ciin daaqdaa laguu yaabaa.
Haddaynu Shacabka Soomaaliyeed nahay:
Nacweyne & Dam-Jadiid waxay ogaadeen in aynu ogaaney wax aynaan ogeyn habeynkeynu u hibeyney xilka Dalka u sarreeya.
Danbiweyne Jawaari & Ma Dhibaanada Baarlamaankuna waa iney ogaadaan in aynu ogaaney waxey iyaga iyo Dam-Jadiid isla ogayeen.
Waxaase loo yaabaa (iyagoo dhawacaa weyn ee siyaasadeed qaba oo Dhammaadka Mustaqbalkoodii Sayaasadeed soo da-dajin doonta) marka uu Nacweyne magacaabo Ra’iisul Wasaare aanuu ogeyn inuu ogyahay waxay isaga, Dam-Jadiid & Ma Dhibaanadu isla ogaayeen. Ogna Awoodiisa fulinta, una soo jeeda Danta Dalka & Dadka kuna shaqeeya rabitaanka Shacabka iyo Dastuurka Dalka – - – - – - -.
Mahadsanidin;
Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM