Muqdisho (RBC) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Burco ee hoostagta maamulka Somaliland ayaa noqday siyaasigii ugu dambeeyay ee ka soo jeeda gobollada waqooyi galbeed ee soo gaara magaalada Muqdisho isagoo kulamo la bilaabay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda beelaha waqooyiga galbeed.
Axmed Cabdi Falay oo illaa Axadii ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa wax hadal ah siin saxaafadda waxaana mar Raxanreeb ay iskudayday inay la hadasho uu sheegay inuu dib uga warbixin doono socdaalkiisa magaalada Muqdisho uu ku joogo.
Warar ku dhow kulanka dhexmaray Axmed Cabdi Falay iyo xildhibaanada ayaa sheegaya in siyaasigan uu olole ugu jiro sidii uu xil uga heli lahaa wasaaradaha dawlada cusub ee federaalka Soomaaliya, maadaama ay haatan socoto magacaabista laamaha maamulka wasaaradaha kala duwan ee dawlada.
Siyaasiyiinta u tagaya Muqdisho
Wuxuu noqonayaa siyaasigii ugu dambeeyay ee toos uga yimaada deegaanada Somaliland oo weliba xil ka soo qabtay maamulka Somaliland kaasoo ku biira dawlada federaalka ee Soomaaliya.
Axmed Cabdi Falay ayaa ka mid ahaa musharixiintii golaha deegaanka Burco u tartamay ee ka sharaxnaa xisbiga Kulmiye ee madaxweyne Axmed Siilaanyo ka tirsan yahay, waxaana siidaasi awgeed noqonayaa siyaasigii ugu horreeyay oo rasmi ahaan xisbiga Kulmiye oo talada maamulka Somaliland haya ka mid ah oo ku biira dawlada Soomaaliya oo Somaliland ay sheegato inay ka goosatay.
Tan iyo markii ay dhacday doorashadii madaxtinimada ee sanadkii hore uu ku soo baxay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isla markaana amaanka Muqdisho uu soo hagaagay, waxaa sii kordhayey siyaasiyiin Somaliland, ganacsato, aqoonyahano iyo xitaa dadweyne caadi ah oo ku soo qulqulayey Muqdisho kuwaasoo qaarkood olole ugu jira helista jagooyin siyaasadeed oo ay ka qabtaan dawlada federaalka Soomaaliya.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo usbuucii dhammaaday maxkamada Hargeysa ay xukun xarig labo sanadood ah ku riday Boqor Raabi Yuusuf C/laahi oo ka mid ah cuqaasha sida weyn looga yaqaano deegaanada Somaliland kaasoo lagu eedeeyay inuu tagay Muqdisho dhowaana uu ka soo laabtay.
RBC Radio