Caabudwaaq(RBC Radio) Barakacayaal ku dhaqan degmada Caabudwaaq ayaa waxaa la gaarsiiyey deeqo kala duwan boqolaal ka mid ah barakacayaasha ku nool magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa deeq gaarsiiyey hay’ado gargaar oo ku sugan degmadaas.
Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud Axmed Jaamac Dhirif ayaa sheegay in deeqda la gaarsiiyey barakacayaasha ku dhaqan magaaladaas xili ay si weyn ugu baahi qabeen,wuxuuna sheegay in degmadaas ay ku dhaqan yihiin barakacayaal fara badan kuwaas oo dhibaatooyin nolol xumo ay ku haystaan halkaasi.
Gudoomiye Dhirif ayaa sheegay in maamulka degmada uu gacan weyn ka geystay hubinta deeqda iney gaartay dadkii ku haboonaan isla markaane wuxuu sheegay iney kor kala socdeen sida ay u socotay bixinta deeqda isagoona tibaaxay iney adkeeyeen amniga intii ay socota bixinta deeqaha la gaarsiiyey barakacayaasha ku nool xeryaha barakaca ee magaalada Caabudwaaq.
Deeqda la gaarsiiyey barakacayaasha ku nool magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey barakcayaashii la gudoon siiyey waxayna u mahad celiyeen hay’adii gargaarka soo gaarsiiyey.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho