Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Magaalada Baydhabo oo maanta la filayo inuu ka furmo shirka gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya

$
0
0

batdhaboBaydhabo(RBC Radio) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta la filayaa inuu ka furmo shir dhowaanahan laga abaabulayay halkaas oo la doonayo in maamulka lagu dhiso 6 gobol oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya oo loogu magacdaray maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka ayaa la filayaa inuu furmo marka ay magaalada Baydho gaaraan wakiilk gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan ariaha Soomaaliya Niklos Key iyo wakiilo ka kala socda dowladaha dariska, waxaana garoonka Diyaaradaha maagalada Baydhabo iminka ku sugan Odayaal iyo maamulka gobolkaas oo doonaya inay wax kaoo dhoweeyaan wufuudaas.

Waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya laga sugayaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka mid yahay gudoomiyihii hore ee Baarlamaankii KMG-ka ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qaar ka tirsan Odayaasha loo diiday inay ka qaybgalaan shirka lagu wado inuu maanta ka furmo magaalada Baydhabo, wararaka qaar ayaa tilmaamaya in sababta loogu diiday inay ka qaybgalaan Odayaashaa ay tahay iyagoo ka qaybgalay shirkii dhowaan lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho ee lagu heshiisiinayay Beelaha dega Jubooyinka.

Wixii warar ah ee kasoo kordha shirka goor dhow lagu wado inuu ka furmo magaalada Baydhabo wararkena dambe ayaad ku maqli doontaan Insha Allaah.

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles