Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Soomaaliland oo sheegay in dib u dhacay uu ku yimid wada hadaladii u dhexeeyey maamulkaas iyo dowladda Soomaaliya

$
0
0

maxamed yoonis BiixiHargaysa(RBC Radio) Masuuliyiinta maamulka Soomaaliland ayaa shaaciyay  in dib loo dhigay wada hadaladii u dhexeeyey maamulka Soomaaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, wasiirka arimaha dibadda maamulkaas Maxamed Cabdulaahi Cumar ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay codsatay in dib loogu dhigo shirkaas.

Wasiirka arimaha dibadda maamulka Soomaalilanda Maxamed Cabdulaahi Cumar ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay codsi u soo jeedisay qabanqaabiyayaasha shirkaas, waxayna ka codsatay inay dib u dhigaan ilaa Bisha January  wada hadalada ka dhexeeya Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland.

Wasriirka arimaha dibadda maamulka Soomaaliland ayaa ka dhawaajiyay in khilaafka xoogan ee u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid uu saamayn ku yeeshay wada hadaladii ka dhexeeyey maamulkaas iyo dowladda Soomaaliya.

Wada hadalada ka dhexeeya maamulka Soomaaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la filayay inay  furmaan Bisha December ee nagu soo wajahan.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles