Boosaaso(RBC Radio) Maamulka Jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso ayaa kusoo dhaweeyey xarunta wayn ee Jaamacadda Wafdi ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ugandha.kuwaas oo soo booqday Jaamacadda.
Wafdigan oo uu hogaaminayay Sheekh Maxmad Sheekh Cabdiweli oo ah maamulaha markazka Diinta Islaamka ee Altawxiid oo ku yaala magaaladda Kambala ayaa waxaa ugu horayn kusoo dhaweeyay xarunta jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa C.risaaq Hiirad Maxamed.
Sheekh Yusuf Cabdicasiis oo ah Madaxa asaasayaasha Jaamacadda Bariga Africa ayaa uga mahad celiyay Jaaliyadda Soomaaliyed ee dalka Ugandha sida wanagsan ee ay ugarab istaageen Jaamacadda shegayna inaaney wali ka maarmin.
Bader Xabiib oo katirsan Gudiga sarre ee Jaamacadda ayaa dhankiisa sheegay in wafdigan ay dhawaan u yimadeen inay ka qayb qaataan u gargaarida dadka dhibaatadu kazoo gaartay duufaantii ku dhufatay dhawaan deegaano kamid ah Puntland ayna gaarsiiyeen wixii way uwadaeen walaalohooodi dhibataysanaa.
Dhinaca Kale Sheekh Maxmad Sheekh Cabdiweli ayaa ka gudoomay maamulka jaamacadda Bariga Africa soo dhawynta ay u sameyeen islamarkaana amaanay dadaalka dhanka Waxbrashadda ee ay Jaamacaddu u wado da’yarta Soomaaliyeed.
Wafdigan ka socday Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladda Kambala ee dalka Ugandha ayaa dhawaan soo gaaray deegaandda puntland iyagoo waday deeq ay ka soo ururiyeen walaalaha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Uganda taas oo ay gaarsiiyeen dadkii ay aafaysay duufaantii ku dhufatay gobaladda Nugaal Iyo Bari ee Puntland.
_______________
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso