Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

R/wasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo barri ku kala baxaya khilaafka u dhaxeeya

$
0
0
Madaxweyne Xassan iyo R wasaare Saacid oo xiliigan khilfa ka dhextaagan yahay

Madaxweyne Xassan iyo R wasaare Saacid oo xiliigan khilfa ka dhextaagan yahay

Muqdisho[RBC Radio]Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lugu wadda in barri ay dood kulul ka yeeshan mooshin laga keenayo xukuumada uu hoggaaminayo R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),waxaana ay taasi ka dhigaysa in xildhibaanada looga fadhiyo inay bari kala saaran madaxweynaha iyo R/wasaaraha kuwaaso khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay.

Labada musuul ayaa xiligaan ah kuwo kala fog,waxana ay waddaan dadaalo ay ku daanayo inay kusoo dhaweystaan xildhibaanada baarlamaanka,madaxweyne Xassan Sheekh waxaa uu doonayo inay xildhibaanadu mooshinka ansixiyaan,halka R/wasaare Saacidna uu doonayo inan kalsoonida xukuumadisa lagala laaban.

Magaalada caasumada ah ee Muqdisho,waxaa xilligaan si weyn looga dareemaya kulamada iyo shirar ay wadda qaadanayan xildhibaanada baarlamaanka, waxana ay xildhibaanadu kala yihiin kuwo kala qeybsan oo laba dhinac ah,xildhibaano dhor ah waxaa ay la shirayaan madaxweynaha kuwaaso ah kuwa xilligaan u ol oolaleynaya mooshinka ka dhanka ah xukuumada R/wasaare Saacid,halka kuwo kalana ay ka soo hor-jeeda mooshinka waxana ay shirar la leeyihiin R/wasaaraha iyagoona la sheegay inay kawadda hadlayaan sida ugu mac qulsan ee arrintaa looga hortagi karo.

Baarlamaanka oo ka doodaya mooyin ka dhan ah R wasaaraha

Baarlamaanka oo ka doodaya barri mooshin ka dhan ah R wasaaraha

...”"‘”Muqdisho tan iyo Axadii an ka soo gudubnay waxaa ka socdey mashqul xoogan oo ay ku jiraan Xildhibaanado,waxana ay xildhibaanada ay xilligaan noqden kuwa kala fogaadey,maadamaa ay yihiin labo garab oo kala taageersan madaxweynaha iyo R/wasaaraha,waxaa socda shirar ay wadda qaadanayaan xildhibaanada oo lakala shiraya R/wasaaraha iyo madaxweynaha,lamana saadalin karo sida ay wax noqon karaan,balse waxaa la filaya inay xildhibaanadu kala saaran madaxweynaha iyo R/wasaaraha….”"‘ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo Raxanreeb la hadlay codsadeyna inan magaciisa la shaacin.

Dhinaca kale caalamka, ayaa ka walaacay kala qaybsanaanta Xildhibaanada Baarlamaanka, ka gadaal markii ay Axadii ku kala dareereen kulan ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka, oo looga doodi lahaa mooshinka laga soo gudbiyay xukuumada.

Waxana ay tahay xilligaan hadal hayna ugu ballaaran ee ka dhex taagan bulshada Soomaaliyed iyo dadka daneeya siyaasada Soomaaliya,halka uu ku danbeyn doono khilaafka ka dhex jira R/wasaaraha iyo madaxweynaha.

Arrintaan ka dhex aloosan labada masuul ayaa timid ka dib markii la isku fahmi waayen isku shaandhen uu sheegay R/wasaare Saacid inuu ku sameyn doonno xukuumadisa.

____
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles