Muqdisho(RBC Radio) Wasiirkii hore ee gaashaandhiga dowladii kumeelgaarka ee Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa ku sheegay bixitaanka ciidamada Itoobiya iney tahay dhabar jab weyn oo dib u dhac ku keenaya horumaradii laga samaynayey dagaaladii lagula jiray kooxda alshabaab ee sida weyn uga soo horjeeda dowlada Soomaaliya.
Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada Itoobiya ee xiligan uu yahay mid aan habooneen wuxuuna ugu baaqay dowlada Itoobiya ineysan ku dhaqaaqin go’aanka ah iney gabi ahaanba la baxdo ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya wuxuuna ka dalbaday iney ku simaan inta ciidamada Amisom la gaarsiinayo deegaanada ay hada ku sugan yihiin ciidanka Itoobiya.
Wasiirkii hore ee wasaarada gaashaandhiga oo hada ah gudoomiyaha gudiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in hadii ciidamada Itoobiya ay ka baxaan gobolada Baay iyo Bakool ay suurta galtahay iney alshabaab ay si buuxda ula wareegaan goboladaas sida ka dhacday magaalada Xudur oo shabaabku uu soo galay xili ay sii muuqdeen ciidanka Itoobiya.
Wuxuuna sheegay in baarlamaanka ay arintaasi ku hayso walaac fara badan isla markaane ay gudi u saareen soo baari sababta keentay in ciidanka Itoobiya ay si lama filaan ah uga baxaan degmada Xudur,wuxuuna sheegay in maalmaha soo aaddan uu gudoomiyaha baarlamaanku uu gaari doono magaalada Baydhabo si uu ugu kuur galo waxa keenay bixitaanka aan lasii shaacin ee ciidamada Itoobiya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho