Nairobi(RBC Radio) Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa diiday in damaanad lagu sii daayo dhalinyaro Soomaaliyeed oo u xiran tuhun la xiriira weerarkii dhowaan lagu qaaday suuqa loo dukaamaysiga tago ee Westgate ee magaalada Nairobi, waxaana weerarkaas ku nafwaayay dadweyne fara badan.
Maxkamadda ayaa sheegtay in hadii ragaas lagu sii daayo qaab damiin ah laga yaabo inay dhibaato baaxad weyn ka gaystaan ka gaystaa gudaha Kenya, waxayna maxkamaddu tilmaantay inay muhiim tahay in arinkaas si xoog leh looga hortagoo oo aan la damiinan ragaas.
Eedeeynayaasha Soomaalida ah ayaa lagu kala magacaabaa Liibaan Cabdilaahi, Aadan Ibraahim, Xuseen Xasan iyo Maxamed Axmed Liibaan, waxaana dhamaantood lagu soo eedeeyey inay lug ku lahaayeen weerarkii dhiiga badani ku daatay ee lagu qaaday suuq ku yaalla magaalada Nairobi.
Dhalinyara Soomaalida ah ee lagu eedeeyey inay wax ka qorsheeyeen weerarkii Westgate ayaa iska fogeeyey eedeeymaha loo haysto waxayna sheegeen inaysan waxba kala socon eedeeymaha loo soo jeediyay oo ay ka mid ahaayeen dhalinyarada ku nool xeryaha qoxootiga dalka Kenya.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho