Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Al Shabaab oo weeraray saldhigyo ciidan oo ku yaalla degmada Afmadow

$
0
0
Sawir hore gaari ciidan oo Afmadow ku sugan

Sawir hore gaari ciidan oo Afmadow ku sugan

Afmadow [RBC Radio]Warar laga helayo degmada Afmadow ayaa waxaa ay soo sheegayaan in kooxda ka dagaallanta koonfurta Soomaaliya ee Al Shabaab inay weerar ku qaaden saldhigg ay leeyihiin ciidamada is-garabsanaya ee ku sugan degmada Afmadow.

Waxaa la xaqiijiyey in Al Shabaab ay weerar madaafiic ah huwiyeen saldhigga ay meleteriga huwanta ah ku leeyihiin Afmadow, dagaalka ayaa in badan socday, waxaana rasaasta laga maqlayey guddaha degmada.

Illa hadda ma jirto cid dagaallka ka hadashey,lagamana warhayo khasaaraha ka dhashey dagaallka oo la sheegay in la isku adegsadey hubka nocyadiisa kala gadisan,waxana dadka deegaanku ay sheegen inay maqleen diryanka madaafic ay is waydarsadeen dhinacyadii dagaallantay.

Xiriiro kala gadisan oo ay Raxanreeb.com la sameysey dadka deegaanka ayan suura galin inay wax faah-faahin ah naga siiyan dagaallka,waxana ay sheegay in halka uu dagaallku uu ka dhacay ay tahay xarun ciidan taasina ay adkaanayso in khasaaraha dhashey si dhow loo ogaado,sidoo kale xarunta ay weerarka ku qaaday Al Shabaab ayaa la sheegaya inay ka duragsan tahay dhulka ay daganyihiin dadka shacabka ah.

Ururka Al Shabaab ayaa marar badan howlagallo ku dhifa oo ka dhaqaaq ah ka sameeyey degmada Afmadow,waxana horantii bishii Agoust ka dhacay degmada dagaall u dhaxeeya ciidamada is garabsanaya ee ku sugan deegaanka iyo Al Shabaab.

_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles