Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Waddamada Carabta oo yeellanaya maxkamad ay ku mideeysanyihiin

$
0
0

Muqdisho[RBC Radio]Sida uu xaqiijiyey wasiirka garsoorka iyo cadaalada dowladda faderaalka Soomaaliya C/llaahi Abyen Nuur oo maanta magaalada caasumada ah ee Muqdisho ku labtay kadib shir uu uga soo qeyb galay dalka Yeman, waxaa dhawaan waddamada Carabta oo ay Soomaaliya xubin katahay ay dhisi doonaan maxkamad ay ku mideeysanyihiin,waxana la sheegay in maxkamadaa la saari doonno dadka lugu soo qabto falalka la xiriira Argagaixisada,ka ganacsiga dadka iyo wixii la halmaama.

Wasiirka ayaa isagoo saxaafadda la hadlayey xilligii uu gaaray Muqdisho,waxaa uu sheegay in shirka looga hadlay la dagaalanka argagixisada la is kuna afgartay lana middeeyo qawaaniinta wadamada carabta ,in lala dagaalamo ka ganacsiga dadka iyo la abuuro maxkamad ay ku mideeysanyihiin wadamada Carabta si loola dagaalamo waxyaabahaas oo dhan.

C llaahi Abyen Nuur

C llaahi Abyen Nuur

C/llaahi Abyen Nuur waxaa uu sidoo kale hadalkiisa kusoo qaaday in shirkaasi uu uga soo qeyb galay magaalada Sanca ee dalka Yaman inuu ahaa mid muhiimad gaar ah u lahaa dowlada Soomaaliya,isagoo sheegay in uu ka codsaday wadamada carabta in ay ka taageeraan sidii ay soomaaliya ku heli laheyd sharciyadii la sameeyay intii ay golaha ka maqneed.

Waxaa sidoo kale uu wasiirku saxaafadda uu u sheegay in xukuumada Soomaaliya ay codsi ahaan u gudbisey in loo soo diro heshiisyadii la saxiixay intii ay soomaaliya ka maqneed golaha si ay u aqriyaan oo ay u saxiixaan.

Shirkaan oo ay xilligaan Soomaaliya ka qeyb gashay waxaa uu ka dhigaya inay ka qeyb gashay muddoo 22-sanno ka dib,waana tan iyo bur burkii dowladda dhexe,waxana uu shirkaani yahay mid ay yeeshan wasiiradda cadaaladda ee wadamada Jaamacadda Carabta.

______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles