Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo lana soo dhaweeyey

$
0
0

Kismaayo[RBC]Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe)ayaa maantay dib ugu noqday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose saldhigna uu ah maamulka Jubba.

Axmed Madoobe socdaal an laga warbixinay ayuu kaga soo labtay Kenya,gaar ahaan magaalada xaurunta uu ah dalkaasi ee Nairobi,waxana garoonka diyaaraddaha ee Kismaayo kusoo dhaweyey masuuliyinta ugu sareysa maamulka Jubba oo uu hoggaaminayo Gen.Fartaag.

Illa waredyo kala duwan oo la hadlay Raxanreeb.com ayaa sheegay in xilligaan siweyn loogu mashqulsan yahay dhamestirka maamulka oo illaa xilligaan tan iyo markii la dhisan dhaafila hoggaamiye iyo ku-xigeenkiisa,waxana Nairobi la sheegay in Axmed Madoobe uu ku soo qaatay shirar kala gadisan oo uu la soo qatay siyaasiyin iyo xubno ka tirsan qeybaha bulshada ee maamulka Jubba.

….”"”Arrinta kaliya ee xilligaan ay ku mashqulsan yihiin madaxda maamulka Jubba waxaa ay tahay bal sidii loo soo dhameystiri lahaa maamulka,maadamaa muddo dheer la sugayey in la soo dhamestiro maamulka Jubba,lana doonayo in la helo maamul dhamestiran oo ka hana qaadan deegaannka,madaxdu waxaa ay wadaan la tashiyo iyo afkaar aruurin ay ka aroorinayan siyaasiyin iyo Odayaal ka soo jeeda dhulka maamulka uu ka taliyo,waxana ay tahay waxa aay kala hadlayaan bal sidii ay tallada qeyb uga qaadan lahaayeen loona soo dhisi lahaa maamul lugu wadda-qanco…”"”ayuu yiri masuul la hadlay Raxanreeb.com.

Axmed Madoobe oo Kismaayo ku noqdey

Axmed Madoobe oo Kismaayo ku noqdey

Sidoo kale Kismaayo oo saldhig uu ah maamulka,waxaa xilligaan ka soconayo dhaq dhaqaaqyo kala gadisan oo la xiriiro sidii gacan buuxdo loogu qaban laha amniga deegannada maamulka oo qeybo ka mid ah Al Shabaab ay ka taliyaan,halka laga wadda tashanayo sidii loo sii xoojin lahaa ammaanka Kismaayo maadamaa ladoonayo in dhawaan lugu qabto shirka dib-u-heshiisinta dadka wadda degga gobollada Jubbooyinka iyo Gedo,waxana habeen iyo maalin ka socda howlgallo amniga lugu xaqiijinayo.

Si kastaba waxaa ay dhahaan dadka sida weyn uga warhaya siyaasada maamulka,waxaa jira dibu dhaca,inkasta maamulka Jubba xilligaan lugu ammaano sida ay usagayaan amniga Kismaayo,tan iyo markii ciidamado isbahaysanaya ay kala wareegen gacan ku heyntedda Alshabaab oo horey uga talin jiray.

______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles