Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

R/wasaare ku xigeenka dalka ahna wasiirka arimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo dalka dib ugu soo noqotay,kana warbixisay shir ay kaga qayb gashay magaalada Brussles

$
0
0

fowsiya xaajo aadanMuqdisho(RBC Radio) Wasiirka arimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dalka dib ugu soo laabatay ayaa ka warbixisay shir ay kaga qayb gashay  magaalada Brussles  ee xarunta wadamada Midowga Yurub.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey gagida diyaaraha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda arimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wasiirada ayaa faah faahin ka bixisay waxyaabihii looga hadlay shirka ay magaalada Brussles ku yeesheen wadamada deeqaha bixisaya waxayna tilmaantay in looga wada hadlay sidii loo maamuli lahaa Kaalmada ay wadamadani bixiyaan isla mar ahaantaane la isku waafajin lahaa horumarka iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.

R/wasaare ku xigeenka dalka Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji ayaa sidoo kale sheegtay iney madaxda wadamada Yurub kala hadashay sidii dowladda Soomaaliya loogu soo gacan galin lahaa deeqihii lacageed ee looga yaboohay shirkii arimaha Soomaaliya ee lagu qabtay magaalada Brussles ee dalka Bilguim-ka.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in masuuliyiintii ay la kulantay ay u ballan qaadeen in wadamadoodu ay sida ugu dhaqsaha badan Soomaaliya ugu soo gacan gelin doonaan lacagihii ay ku deeqeen intii uu socday shirkii 16kii bishii September  lagu qabtay magaalada Brussles ee dalka Bilguim-ka.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles