Jowhar(RBC Radio) Wararka ka imaanaya magaalada Jowhae ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa tilmaamaya in xalay uu halkaas ka dhacay qarax Bambaano oo laga beegsaday goob lagu iibiyo jaadka, waxaana goobta ku sugnaa markuu qaraxu ka dhacayay dadweyne aad u fara badan.
Qaraxa xalay ka dhacay magaalada Jowhar ayaa gaystay khasaare kala duwan oo soo gaaray dadkii rayidka ahaa ee ku sugnaa goobta lala beegsaday weerarka Bambaano, waxaana inta laga warqabo ku geeryooday qof Haweeneey ah oo ka mid ahayd dumarka jaadka ku iibisa magaalada Jowhar.
Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay 3 ruux oo ka mid ahayd shacabka magaalada jowhaar, waxaana dhaawacooda loola cararay cisbitaalka magaalada Jowhar oo ay hadda dhaqaatiirtu kula tacaalayaan caafimaadkooda.
Markii uu dhacay weerarka Bambaano ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo baaritaanno ka sameeyey jahooyinka ka agdhowaa goobta ay wax ka dheceen, ciidamadii baaritaanada sameeyey ayaan laga warqabin inay dad u soo qabteen weerarkii Bambaano ee xalay ka dhacay magaalada Jowhar.
Maamulka gobolka Shabeelaha dhexe wali ka uusan hadlin hadlin weerarka Bambaano ee xalay lagu qaaday xaafadda Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho