Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Taliska ciidamada Militeriga oo beeniyay inay amreen in ciidamada naafada laga saaro cisbitaal Martiini

$
0
0

abaanduulahaMuqdisho(RBC Radio) Taliska ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay inay amreen in ciidamada naafada xoogga dalka ay muddo 10 maalmood ah uga guuraan cisbitaalka Martiini, oo hadda deegaan u ah ciidamadii ku waxyeeloobay dagaalkii ahli ahaa ee dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Jenaraal C.risaaq Khaliif Cilmi ayaa ka dhawaajiyay in taliska ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya uusan amar ku bixin in muddo 10 maalmood ah ay uga guuraan ciidamada naafada ee deegaansaday cisbitaalkaas.

Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya Jenaraal C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa tibaaxay in ciidamada naafada xoogga dalka ay xuquuq aad u wayn ku leeyihiin dowladooda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya aysan dayici doonin xuquuqda ciidamadaas.

Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa dhanka kale sheegay in cisbitaalka Martiini ay degen yihiin dad shacab ah, wuxuuna ugu baaqay maamulka gobolka Banaadir inuu si deg deg ah uga bixiyo dadkaas shacabka ah ee degen Cisbitaalka Martiini, abaanduulaha ayaa xusay in cisbitaalkaas aad loogu baahan yahay in dib loo howlgeliyo.

Waxaa cabasho aad u xooggan maalmahan warbaahinta ka jeedinayay ciidamada naafada xoogga dalka oo sheegay in taliska ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya uu ku amray inay muddo 10 maalmood ah uga guuraan cisbitaalka Martiini.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles