Muqdisho(RBC Radio) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhowaan la wareegi doonto deeegaanka Buulo-berdi ee gobolka Hiiraan oo ay hadda gacanta ku yahaan ciidamada ururka Alshabaab,Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa tilmaamay in xukuumadda ay dhowaan gacanta ku dhigi doonto deegaanka Buulo-berde iyo deegaanada kale ee gobolka Hiiraan.
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliy Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa tibaaxay in awoodii ay Alshabaab ku lahaayeen deegaanada gobolka Hiiraan ay aad u yaraatay, wuxuuna taas u sababeeyey khilaafka ka dhexjira madaxda Alshabaab iyo ciidamada xoogga dalka oo bilaabay weeraro ay ku qaadayaan xarumaha ay Alshabaab ku leeyihiin degmooyinka gobolka Hiiraan.
“Waxaa hadda muuqata in kooxda Alshabaab ay ka cararayaan fariisimihii ay ku lahaayeen deegaanada gobolka Hiiraan, goor dhow ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigi doona deegaanka Buulo-berde si ay uga xoreeyaan Alshabaab oo hadda dhibaatado aad u wayn ku haya shacabka gobolka Hiiraan, ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Rdwaan Xaaji Cabdiwali.
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Hiiraan ay hadda aad ugu diyaar garoobeen sidii ay uga xorayn lahaayeen deegaanada gobolka Hiiraan ururka Alshabaab.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho