Baydhabo(RBC Radio) Amisom iyo odayaaasha dhaqanka gobolada Baay iyo Bakool ayaa shir ku yeeshay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa diirada lagu saaray ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ay si lama filaan ah uga guureen.
Saraakiisha Amisom ee kulanka la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolada Baay iyo Bakool ayaa ballan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan ciidamada Amisom ay u gaari doonaan magaalooyinka ay baneeyeen ciidamada Itoobiya waxayna ballan qaadeen iney xaqiijin doonaan amniga guud ahaan deegaanada goboladaas.
Saraakiisha Amisom ayaa shaaca ka qaaday iney ku jiraan abaabul iyo diyaar garow ay ku doonayaan iney ugu ruqaan sadaan goobaha ay banneeyeen ciidamada dowlada Itoobiya waxayna sheegeen in maalmaha soo aaddan ay deegaanadaas gaari doonaan cutubyo ka tirsan ciidamada ciidamada nabad ilaalinta Amisom waxayna ku nuuxnuuxsadeen in Amisom ay ka go’antahay soo celinta nabada iyo xasiloonida guud ahaan dalka Soomaaliya.
Odayaasha dhaqanka gobolada Baay iyo Bakool ayaa sheegay iney diyaar u yihiin la shaqaynta ciidamada Amisom iyagoona tilmaamay iney gacan buuxda siin doonaan ciidamada Amisom sidii ay gacanta ugu qaban lahaayen amniga goboladaas,odayaasha ayaa ku baaqay in la gargaaro shacaka ku dhibaateysan deegaanka Ceelbarde kuwaas oo ka cararay guryahooda oo ku yaalay magaalada Xudur kadib markii ay qabsadeen ciidanka Alshabaab.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho