Qardho(RBC Radio) Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Qardho ayaa kulan gaar ah la yeeshay Nabadoonada,Waxgaradka,Culama’udiinka ku nool magaalada Qardho,waxa uuna kala hadalay sidii loo taageeri lahaa Jaamacadda oo sanadkii afaraad gashay lana filayo in sanadkaan ay ka qalin jabiyaan dufcaddii ugu horeysay Jaamacadda.
Kulan ayaa sidookale lagu soo bandhigay sidii loo hormarinlahaa jamacadda,waxa ayna nabadoonada sheegeen in la joogo xiligii kor loo qaadi lahaa jaamacadda.
Maamulaha Jaamacadda bariga Afrika faraceeda Qardho Cali Maxamed Cali ayaa kulanka ku soo bandhigay sida ay u shaqeyso Jaamacdda,adeegyada ay heystaan,waxa kamaqan iyo baahiyaha ay qabaan oo ay ka mid tahay in Jaamacadda laga taageero dhan walbo sida Dhaqaalaha,in Maktabada la keeno Buugaag ku filan, iyo adeegyada ay u baahantahay Jaamacadda.
Maamulaha ayaa sidookale soo bandhigay in Macalimiinta Jaamacadda wax ka dhigo ay yihiin kuwo qibrad u leh maadooyinka ay bixiyaan,waxaana jamacadda ka koobantahay kuliyadaha Shareecadda,Kulyadda Maamulka iyo Maareynta,Kulyadda Computer sayniska iyo koorsooyin ay ka midyihiin caafimaadka iyo luuqada Englsuhka.
Kulankaan ayaa sidoo kale Ujeeda loo qabty ay aheyd in ay xiriir wanaagsan yeeshaan gudiga Jaamacadda iyo Nabadoonada maadaama jaamacadda ay afarsano jirsatay loona baahanyahay in dhan walbo laga taageero.
Shiikh C/qaadir Yaasiin Aw Maxamed oo ka mid ah Boardka Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Qardho ayaa sheegay in loo baahanyahay in la taageero Jaamacadda,xitaa ardayda in waalidka ay keenaan Jaamacadda waxa uuna ku booriyey in ardayda dhameysata Dugsiyada sare in ay ku soo biiraan Jaamaacadda.
Kulankaan ayaa ka duwanaa kulamadii ay horey Jaaamacadda u qabtay waxaana kan diiradda lagu saaray sidii dhaqaale maaliyeed iyo mid maadi ah ay u heli laheyd Jaamacdda Bariga Afriga Faraceeda Qardho.
__________
RBC Radio