Muqdisho(RBC Radio) Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay khasaarihii uu gaystay dabkii maanta ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla Isgoyska KM 4, Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jenaraal C/xakiin Daahir Siciid (Saacid) ayaa sheegay in dabkaas uu khasaare hantiyeed u gaystay ganacsatada Soomaaliyeed.
Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jenaraal C/xakiin Daahir Siciid Saacid ayaa tilmaamay in taliska ciidamada Booliska uu degniin hore ugu diray dadka ku ganacsada hareeraha wadooyinka magaalada Muqdisho, uuna ku amray inay ka guuraan goobahaas.
Jenaraal Saacid ayaa tibaaxay in ganacsatada shidaalka sharci darada ah ku iibisa hareeraha wadooyinka magaalada Muqdisho ay hore ugu amreen inay shidaalkooda ka fogeeyaan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay inay u hogaansami waayeen amarkii kasoo baxay ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jenaraal Saacid ayaa sheegay in kaalinta shidaal ee maanta uu dabku ka kacay ay kasoo badbaadiyeen tiro dad ah,wuxuuna shaaciyay inay sidoo kale goobtaas kasoo bixiyeen baabuur uusan wali dabku gaarin oo nabad qaba.
C/xakiin Daahir Siciid Saacid ayaa tibaaxay in khasaare aad u baaxad wayn uu soo gaaray ganacsatadii lahayd kaalintaas shidaal, wuxuuna ku maray ganacsatada iibisa shidaalka inay ka qaadaan shidaalka u yaalla hareeraha wadooyinka Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho