Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Guddiga Wadatashiga Bari Iyo Sanaag oo Dagaalka Taleex ku eedeysay Xukuumadda (Warsaxaafadeed)

$
0
0
Muuse Cali Jaamac oo Saxaafada u akhriyey Warsaxaafadeedka

Muuse Cali Jaamac oo Saxaafada u akhriyey Warsaxaafadeedka

War saxaafadeed

Maxaa keenay in lagu duulo TALEEX?

Waxaa soo diyaariyey Guddiga Wadatashiga Bari Iyo Sanaag.

Sida lawada ogsoonyahay magaaladda Taleex,waxaa lagu qabtay shirkii ugu horeeyey ee lagu dhisay maamul goboleedka KHAATUMO STATE shirkaas oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada ee gobolada Sool iyo Cayn kuwaasoo ay hoggaaminayeen Isimadooda ,waxayna ku dhawaaqeen in ay ka madax bannaanyihiin dowladda Puntland.

Isla TALEEX  waxaa lagu qabtay shirkii labaad ee KHAATUMO STATE dhammaantood shirkaasi waxay ku qabsoomeen si nabad gelyo ah,waxaa kaloo xusid mudan in dhismaha Khaatumo State uu isbadel Juquraafi Siyaasadeed ee ku sameeyey Puntland maxaa yeelay sideedii gobol ee ku xusnaa Dastuurka Puntland,waxaa ka baxay laba gobol oo iskood u Istaagay.

Waxaa is weydiin mudan haddii labadii shirweyne ee hore ay si nabadgelyo ah ku qabsoomeen maxaa keenay maantay in lagu duulo TALEEX iyadoo la diidanyahay inuu qabsoomo shirweynihii Saddexaad ee KHAATUMO State iyadoo ay nagu soo food leeyihiin Doorashadii loo balansanaa 08.01..2014?

Jawaabtu waxay noqoneysaa in Xukuumadda Faroole ay dooneyso marmarsiiyo dib loogu dhigo Doorashada iyadoo la sameynayo sabab wakhtiga lagu dheereysto si xukunka loogu sii nagaado.

Dhanka kale arrintaas waxay muujineysaa in isla qorshahaas loogu talagalay goboladda kale ee Puntland ,waana xeelad la doonayo in lagu caburiyo rabitaanka dadweynaha.

Horaa loo yiri nina caadadii madaayo bahalna ceeriin madaayo maxaa yeelay Xukuumadda Faroole waxay caadeysatay in muwaadiniinta reer Puntland loo xasuuqo si loo meel mariyo Siyaasada qaloocan ee ku saleysan xukun jeclaysi waxaana tusaale inoogu filan dadkii lagu laayey BARAN,QARDHO IYO GAALKACYO markii aga horyimid Doorashadii aan sharciga waafaqsaneyn ee lagu guul dareystay .

Guddiga wadatashiga Bari iyo Sanaag,waxay ku baaqayaan in si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaada iyo dagaalada la dhexdhigay dadka walaalaha ah ee kasoo jeeda goboladda Sool iyo Cayn ,sidoo kale Guddigu wuxuu ku baaqyaa dadka deeganadaas kunool in loo ogolaado iney aayahooda ka tashadaan kaasoo ah xaq Dastuuri ah.

Sidoo kale Guddigu,wuxuu Issimada,Xukuumadda Puntland iyo Beesha Caalamka ba la socod siineynaa in aan Doorashada dib loo dhigi karin,mar marsiiyo iyo xeelad kasta oo ay dowladdu la timaado .

Guddigu wuxuu kaloo dadweynaha reer Puntland ka codsanayaa in walaalahooda reer Sool iyo Cayn si buuxda ugu taageeraan Xuquuqdooda Dastuuriga ah,waxayna uga Tacsiyeynayaan wixii dhibaato iyo dulmigii loo geystay.

Gabagabadii guddigu wuxuu horay ugu taliyey Shirweynihiisii in la fuliyo go’aamadii kasoo baxay shirkii wadatashiga ee ay kasoo qeybgaleen dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah kaasoo xudun u ahaa midnimada ,nabadgelyada iyo Doorasho xaq ah oo ka qabsoonta Puntland.

Waxaa lawada ogsoonyahay in wixii uu ka digay Shirweynihii ay ugu horeyso arrinta maanta TALEEX ka taagan.

ALLAA MAHAD leh,waxaa soo diyaariyey Guddiga Wadatashiga Bari Iyo Sanaag.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles