Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Hay’adda HADO oo Gudi u dhistay Saddax kamid ah Xaafaddaha Magaaladda Qardho(Sawirro)

Image may be NSFW.
Clik here to view.
HADO_Qardho. (13)
Qardho(RBC Radio) Hey’adda HADO oo ka mid ah Hey’addaha ka shaqeeyo deegaanada Puntland ayaa maanta kulan ay u qabtay Xaafadaha Qorayacad,Gacanlibaax,iyo Xaafadda Xiingood waxa ay u dhistay guddi si gaar ah ugu shaqeyndoono isku xirka Bulshda,Nabadda iyo isdhehgalka Bulshda,waxaana kulankaani ka soo qeybgalay Maamulka degmada Qardho,sarakiisha Hey’adda HADO iyo 15 qof oo laga soo xulay xaafaddahaasi.
Kulankaani ayaa sidoo kale tabar lagu siiyey gudiga sidii ay u shaqeynlahaayeen,waxyaabaha ay qabanayaan iyo sida ay xiriir wanaagsan ula sameynlahaayeen Maamulka Dowladda Hoose,waxaa la is weydaarsaday sida ugu wanaagsan ee loo qaban karo arimahaasi.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
HADO_Qardho. (2)
Gudoomiyaha degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hogamo-laror oo ka hadalay furitaanka kulankaani ayaa sheegay in gudigaani wax ka tari karo arimaha amniga,iskuxirka xaafadaha,waxa uu tilmaamay in markii hore dowladda hoose ay codsatay in gudiyo loo sameeyo xaafadaha tabar kala duwana la siiyo.
Khaasim Isse Axmed Madaxa Barnaamijyada hey’adda HADO ayaa sheegay in qiimeyn lagu sameeyey xaafaddaha Qoryacad,Xiingood iyo Gacan libaax in ay codsadeen in lagala shaqeeyo arimaha Amniga,is dhexgalka Bulshada gudigaani sidaasi lagu soo xulay,waxa uu sheegay in la siiyey tabar sida ay u shaqeynayaan iyo waxyaabaha laga doonayo in ay qabtaan.
Hey’adda HADO oo ka mid ah hey’adaha ka shaqeeyo deegaanada Puntland ayaa Barnaamijyo kala duwan waxa ay ka wadaan Gobolada Bari iyo Karkaar waxaana dhawaan Raashiin ay gaarsiisay Deegaanada ay sameeyeen duufaanta ee gobolka karkaar,iyaga oo u qeybiyey raashiin kala duwan.
Mashruucaan ayaa waxaa fulineyso Hey’adda HADO oo maalgalin ka heshay Hey’adda CESVI,waxana Bishii tagtay dhalinyarada ku nool xaafadaha Xingood,Gacan libaax iyo Qoryocad u qabtay Barnaamij isboortis ah.
______________
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Facebook
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Twitter
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Google+
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles