Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xiisad dagaal oo ka taagan gobolka Sool[Warbixin]

$
0
0

rax

Taleex[RBC Radio]Wararka laga helayo deegaanno ka tirsan gobolka Sool ayaa soo sheegaya in halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal,waxana wararku ay inta ku darayaan in maantay isku dhac dagaal uu dhex maray ciidamo daacad uu ah Khaatumo iyo ciidamo ka socda Puntland,mana jirto faah faahin laga helayo warkaasi.

Ciidamada Khaatumo ayaa waxaa la sheegaya inuu hoggaaminayo Maxamed Jaamac Yuusuf (Indha-sheel),waxana la xaqiijiyey in xilligaan ciidamada uu horboodayo Indha-sheel inay ku go’donsanyihiin deegaann lugu magacaabo Kalcad oo 40-km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Taleex.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen gaadid dagaal oo ay ku qiyaase toboneeyo oo u hoggaaminayo Indha-sheel inay u gudbeen miyiga deegaanka Kalcad,sidoo kale waxaa la sheegay in deegaanka ay u ruqaan sadeen ciidamo iyaguna gaashaaman oo ka socda Puntland.

….”"”‘Waxaan aragney gawaari dagaal oo an isniri waxay dhanyihiin tobaneeyo,waxana ay ahaayeen ciidamo uu watay Indha-sheel,balse markiiba waxaa ka daba yimiid gaawari an iyaguna is niri waxaa ay ka socda Puntland,balse ma ogaan karno sida ay wax u jiraaan,warna lagama heli karo halka ay aaden waayo kama jirto isgarsiin wax laga ogaan karo waana deegaan bura ley ah…”"‘ayey yirahdeen qar ka mid ah dadka deegaannka oo warbaahinta la hadlay.

Ma jirto faah faahin intaa dheer oo laga helayo xiisadda xilligaan ka soo cosboonaatay deegaannada ka tirsan gobolka Sool,balse waxaa ay ahayd xiisad mudadaanba la hadal ahay inay imaan karto dagaallana ay ka dhici karaan gobolka.

Shir jaraa’id oo ay iyana goor dhawed ay ku qabteen Buuhoodle masuuliyin ka tirsan Khaatumo,waxaa ay sheegen dagaallada iyo xiisada ka taagan Sool inay tahay mid ay wax ka ogyihiin madaxda Puntland,waxana ay ku eedeyen madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire inuu isagu ka danbeeyo dagaalkii maantay ka dhacay deegaanno ka tirsan Sool.

Dhinaca kale wararka Garoowe an ka helayno ayaa iyaguna sheegaya in xalay uu ka ambabaxay Garoowe wafti ballaaran oo ubadna saraakil ciidan oo uu hoggaaminayey madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire,waxana sidoo kale qeyb ka ah waftigaan xildhibaano hore oo ka soo jeeda deegaannada.

Waxaa la sheegay inay waftigaan waheliyeen ciidamo la sheegay inay tira badnaayen kuwaaso watay gawaarida dagaallka,mana jirto illaa hadda wax faah-faahin ah oo waftigaan laga helayo,balse waxaa la sheegay inay ku sii jeedan degmada Taleex halkaaso dhawaan uu ka soo labtay Cabdisamad Cali Shire.

Si kastaba ma jirto wax war ah oo wali ka soo baxay madaxda sare ee Puntland,warkaaso ku aadan xiisadaan ka soo cusboonatay gobolka Sool.

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles