Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa dabkii maanta ka kacay KM 4

$
0
0

dab ka cayMuqdisho(RBC Radio) Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa dabkii maanta duhurnimadii ka kacay Kaalinta Shidaal ee ku taalla Isgoyska KM 4.

Waxaa goobta ku sii qulqulaya booyadaha dab demiska ah, waxaa sidoo kale goobta si is daba joog ah u gaarayo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna aad u adkaynayaan ammaamka goobta uu dabka xoogani ka socdo.

Kaalinta Shidaal ee saacad ka hor uu dabku ka kacay ayaa waxaa sidoo kale soo gaaray Katarabiil yaal waxayna bilaabeen inay burburiyaan goobaha ku dhow dhow Kaalinta Shidaal si loo gaarsiiyo Biyaha ay wadaan Booyahada doonaya inay demiyaan dabkaas.

Waxaa sidoo kale goobta laga soo bixiyay dad dhaawac ah iyo gawaari ku basbeeshay goobta uu dabku ka kacay, dadka dhaawaca ah ee laga soo badbaadiyay dabka ayaa sheegay in goobta uu dabku ka socdo ay wali ku jiraan dad kale oo ku xayirmay.

 

Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed iyo taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Saacid ayaa gaaray goobta uu dabku ka socdo si ay usoo qiimaynayaan khasaaraha uu gaystay dabkaas.

Waxaa aad u soo badanaya Booyadaha ka qayb qaadanaya deminta dabka ka socda Kaalintaas shidaalka ee ku taallo ISgoyska KM 4,Dabka ayaa hadda kasii yaraanaya xowligii uu markii hore ku bilowday ciidamada dab demiska dowladda iyo AMISOM ayaa gudaha u galay goobta uu dabku ka socdo, waxayna kasoo badbaadinayaan dadka ku xayiran goobtaas.

Howlihii ganacsi ee ka socday Isgoyska KM 4 ayaa si toos ah u istaagay ganacsataduna waxay ku mashquulsan yihiin deminta dabka ka socda xarunta Shidaal, ciidamada ayaa ku howlan sidii ay u xaqiijin lahaayeen amaanka goobaha ganacsi ee ka agdhow Kaalinta Shidaal ee uu dabku ka kacay waxayna dadka ku amrayaan inay ka fogaadaan goobtaas.

 

 

 RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles