Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Fowsiyo”Ma jiro muran na dhexmaray Midowga Yurub”

$
0
0
Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan

Brussels[RBC Radio]Haweenayda heysa xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxba kama jiraan waxaa ay ku tilmaamtay inuu muran dibloomaasiyadeed dhex maray ayada iyo guddoomiyaha arrimaha horumarinta Midowga Yurub, Andris Piebalgs,kadib markii ay soo baxeen dhawaan warar sheegaya in muran xooggani dhex maray labada dhinac.

Arrintaan ayaa soo baxad kadib markii wargeyska afka dheer ee ka hadla arrimaha ganacsiga ee International Business Times ee fadhiggiisu yahay magaalada New York uu baahiyey war sheegaya inuu muran dhex maray Fowsiya Yuusuf iyo guddoomiyaha arrimaha horumarinta Midowga Yurub, Andris Piebalgs, waxana wargeysku uu sheegay in murankaan uu yimid ka dib markii Fowsiya ay ka sheegtay shir ay uga qeyb-galeysay magaalada Brussels in dowladda federaalka aan wali la soo gaarsiinin lacagtii Midowga Yurub uu ugu yaboohay Soomaaliya bishii September.

Markiba wargesku waxaa uu shaaciyey hadalka ka soo baxay Fowsiyo inuu ka jawaab celiyey guddoomiyaha arrimaha horumarinta Midowga Yurub, Andris Piebalgs waxana uu wargesku uu xaqiijiyey guddoomiyaha inuu ku jawaabay in Midowga Yurub uu mashaariic horumarineed ka wado qeybo ka mid ah Soomaaliya, balse uusan si toos ah lacag ugu wareejin karin dowladda federaalka maadaama dalka uusan ka jirin nidaam maaliyadeed oo hufan.

Xiligii warkaan uu soo bandhigay wargeeskasi waxaa ay Fowsiya beenisay inuu jiro wax khilaaf ah oo soo kala dhex galay dowladda federaalka iyo Midowga Yurub, iyadoo sheegtay in dowladda ay uga mahad-naqayso Midowga Yurub taageerada baaxadda weyn leh ee uu siiyo Soomaaliya.

Fowsiyo waxaa kalo ay hadalkeeda ku soo qaaday in xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub uu yahay mid aad u xooggan, ayna ka wada shaqeynayaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin gargaarka bini’aadannimo, la dagaallanka argagaxisada iyo taageeridda AMISOM.

…””’Waxaan raba inan idin xaqiijiyo majiro khilaf iyo muran ka dhex jira dowladda faderaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub waana been arrinta,waxana kaloo idin sheegaya Midowga Yurub waa deeq bixiyaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya, waxaana uga mahad-celineynaa wax kasta oo ay naga caawimayaan si aan uga soo kabanno in ka badan 20 sano oo dagaal ah…”"”‘ayay tiri Fowsiya.

Waxaa ay intaa ku dartay Faowsi inay ku kalsoon yihiin in mustaqbalka uu Midowga Yurub si toos ah caawimadda ugu soo hagaajin doono dowladda federaalka Soomaaliya.

Isku soo wadda dubo dowladda faderaalka Soomaaliya ayaan wali helin deeq ballaaran oo ay balan qaaden Midawga Yurub,kuwaaso sheegay in xilligaan Soomaaliya aysan ka jirin nidaam maaliyadeed oo hufan.

____
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles