Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20126

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yaman oo faah faahin ka bixiyay waxyaabaha looga hadlay shirkii lagu soo gabagabeeyey magaalada Sanca

Image may be NSFW.
Clik here to view.
rax
Muqdisho(RBC Radio) Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yaman Axmed Cabdi Xasan Suudaani ayaa tafaasiil ka bixiyay shirkii lagu soo gabagabeeyey magaalada Sanca ee xarunta dalka Yaman, wuxuuna tilmaamay in ka qayb galka shirkaas ee Soomaaliya ay tahay guul aad u wayn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Qunsulka Sooomaaliya u fadhiya Magaalada Sanca ee xarunta dalka Yaman ayaa sheegay in 22 sano aysan Soomaaliya shirkaas ka qayb gelin ayna aad u soo dhoweeyeen dalalka Carabta ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkaas,  wuxuuna tilmaamay inay kasoo bexeen qodobo muhiim u ah dowladda Soomaaliya,

Safiirka ayaa tibaaxay in shirkaas looga hadlay sidii ay dowladaha Jaamacadda Carabtu isaga kaashan lahaayeen xakamaynta dadka tahriibayaasha ah ee sida sharci dara ah u gala wadamadaas.

Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Yaman Axmed Cabdi Xasan Suudaani ayaa sidoo kale sheegay in shirka looga hadlay sidii loo dhisi lahaa maxkamad ay ku midaysan yihiin dalalka carabta oo wax ka qabata arimaha musuq maasuqa ee ka jira dowladaha Jaamacadda Carabta.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Facebook
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Twitter
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Google+
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20126

Trending Articles