Muqdisho(RBC Radio) Wararka aan ka helayno Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhoweyd uu halkaas ka kacay dab aad u xoogan, dabka ayaa sida la sheegay wuxuu ka ka kacay goob shidaal ah oo ku dhow Isgoyska KM 4.
Goobta lagu iibiyo shidaalka ee uu dabku ka kacay ayaa waxaa lagu soo warayaa inay ku xayiran yihiin dad shacab ah iyo shaqaalihii xaruntaas wax ka iibinayay.
Waxaa goobta soo gaaray baabuur dab demis ah oo ay leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, waxaa sidoo kale goobta ku sugan dab demayayaal ay leedahay dowladda iyo ganacsatada gobolka Banaadir.
Badka ayaa wali ka socda goobtii uu ka kacay wuxuuna ku sii faafayaa goobo daris la ah xarunta uu dabku ka kacay, wali kuma guulaysan inay degmyaan dadkaaas dabdemiyayaasha ay wataa AMISOM,Dowladda iyo shirkadaha xawaaladaha magaalada Muqdisho
Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idin kala socodsiin doonaan Insha Allaah
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho