Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20166

Alshabaab oo guulo ka sheegtay dagaalkii shalay ka dhacay gobolka Hiiraan

Image may be NSFW.
Clik here to view.
alshabaabo
Muqdisho(RBC Radio) Ururka Alshabaab ayaa ka tafaasiil ka bixiyay dagaal shalay galab ka dhacay deegaannno ka tirsan gobolka Hiiraan,Afhayeenka dhanka howlgalada u qaabilsan ururka Alshabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dagaal shalay galinkii dambe ka dhagay galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Afhayeenka dhanka howlgalada u qaabilsan ururka Alshabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamada Alshabaab ay khasaare kala duwan soo gaarsiiyeen ciidamada dalka Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa tilmaamay in dagaalku uu shalay ka dhacay deegaanada kala ah Baardheere iyo Luuq Jeeloow, wuxuuna ka dhawaajiyay in ciidamada Jabuuti ay dagaalkaas kasoo gaarsiiyeen khasaare aad u xooggan, wuxuuna tibaaxay in ciidamadaas ay ku qasbeen inay dib ugu laabtaan magaalada Beledweyne.

Dhanka kale Afhayeenka dhanka howlgalada u qaabilsan ururka Alshabaab ayaa sheegay ciidamada Alshabaab ay weerar qorshaysan ku qaadeen xalay Garoonka Diyaaradaha magaalada Beledweyne, ayna khasaare soo gaarsiiyeen ciidamadii ku sugnaa gudaha Garoonkaas.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Xiiraan ayaa maalmahaan dhaq-dhaqaaaqyo ciidan ka bilaabay duleedka magaalada Beledweyne, waxayna ku goodiyeen inay Alshabaab ka saarayaan gobolkaas.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Facebook
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Twitter
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Google+
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20166

Trending Articles