Muqdisho(RBC Radio) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaal shalay galab ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan,wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliy Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo wuka AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan ay la wareegeen deegaanno ay hore gacanta ugu hayeen Alshabaab.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa tibaaxay in ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay si wada jir ah weerar qorshaysan ugu qaadeen deegaanno ay ku sugnaayeen Alshabaab, wuxuuna xusay inay u soorto gashay ciidamada xoogga dalka inay Alshabaab kala wareegaan deegaanadaas.
C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa tilmaamay in ciidamada Soomaaliya ay shalay ururka Alshabaab kala wareegeen 4 deegaan oo kala ah Luuq Jeeloow, Bur-qoosaar, Ceelbaar iyo Shabeeleey, wuxuuna tilmaamay in deegaanadaas ay gacanta hore ugu hayeen Alshabaab.
Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku jiraan diyaar garoowgii ugu bambeeyey ee ay Alshabaab kaga xoraynayaan dhamaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay in howlgalka lagula dagaalamayo Alshabaab uu ku jiro wajigii u dambeeyey.
Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa tilmaamay in ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan ay diyaar garoow maalmahan ugu jireen sidii ay Alshabaab uga saari lahaayeen gobolkaas.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho