Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalaga Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta taliska ciidamada Taraafikadda ilaalada wadooyinka gobolka Banaadir ku wareejiyay mootooyin uu maamulku ugu talo galay inay ku howlgalaan ciidamada ilaalada wadooyinka magaalada Muqdisho.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ciidamada ilaalada wadooyinka Muqdisho u gartay inuu ku wareejiyo Mootooyin lagu ilaalin doono nabad galyada wadooyinka magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa tilmaamay in ciidamada Taraafikadda ay maanta ku wareejiyeen 5 Mooto, wuxuuna xusay in maamulka gobolka Banaadir uu hore ciidamada ilaalada wadooyinka Muqdisho ugu wareejiyaan mootooyin.
Taliyaha ciidamada ilaalada wadootinka gobolka Banaadir Gen. Cali Gaab ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir qalabka ay maanta ku wareejiyeen ciidamada Taraafikada, wuxuuna balan qaaday inay sidii loogu talo galy ugu shaqayn doonaan Mootooyinkaas.
Gen. Cali Gaab ayaa xusay in ciidamada Taraafikadu ay shacabka u hayaan howl aad u balaaran, wuxuuna ku booriyay ciidamada ilaalada wadooyinka magaalada Muqdisho inay waajibaadkooda u gutaan sidii loogu talo galay.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho